Inta wax qoraysa Somaliland (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

ka Ganacsiga Buuggaagta iyo Dukaamada iibiya wuxuu qallinku qorrey kaalin muuqata ayey somaliland gaar ahaan caasimada ku soo yeellanayaan.Dukaamadaasi buuggaagta inaga iibinayaa waxa ay ku shaqeyaan xaallada ugu adag wakhtigan casriga ah maxaa yeellay waxa ay og yihiin in buuggaag badan mareegaha (internetka) lagu qorrey oo la dhiggey dadkuna ay maanta keydka akhriskooda ku sitaan aaladaha tiknolojiyadda.Qof kasta oo maanta somaliland buugg qorraaya waxa jirta arrin ku dhalisey kuna qasabtey in uu sheekadaasi amma buuggaasi inala wadaago.qorraa kasta oo weyn oo buuggaagta kala duwan qorrayaa waxa ay la kulmaan inta ay qorraalka ku jiraan,rafaad,raadin xog,habeen soo jeed,fikir,socod badan,niyad jab,kala go iyo ka mashquul qorraalka,xannuunka iyo guuldarrooyinka ugu badana waxa la soo kulma kuwa ugu dedaalka iyo caqliga badan. Sheekada iyo taariikh nololeedka aad akhrisaneysaa ee aad ku raaxeysaneysaa waxa ay ka soo maaxatey qof habeeno badan u soo marey xannuun si uu adiga ku soo gaadhsiiyo.kuwa ugu maskax tuujinta badan ayaana ugu xannuun badan.

Qoraayadu maaha kuwo ka duwan dadka  bulshada intooda kale,waase kuwo ku dhex jira dadkooda uun.waxaaney nolosha ku arkaan waxyaabaha badan ee aadamiga kaleba ku arko ee leh dhibaatooyinka iyo caqabadahaba.waxa ay wajahayaan halgano badan,maskaxdooduna waxa ay si joogto ah u eryaneysaa erayo iyo muuqaallo ay sawirraneyso,sida bukaanku u dareemo xannuunka jirada heysa ayey u dareemayaan xannuunka fikirka iyo maskaxda burqaneysa marka ay wax qorrayaan.buugg wanaagsan iyo sheeko xiiso leh waxa ka danbeeyey fikir xannuun badan iyo habeen soojeed badan oo soo gaadheey qorraaga intii u wadey,qorrayaddu wa ay u soo qiirodeen oo ay u soo ilmeeyeen intii ay wax qorrayeen.

marka uu jiro u jeeddo sax ah oo ka danbeysa in sheekada la qorro amma buugga wey ka qiiro badan tahay mar kale.habeeno badan oo soo jeed ah si buugga loo dhammeystiro qorraagu wuxuu farxayaa marka la soo bandhiggo ee lala gardaadiyo buugga loogana mahad naqo dedaalkiisa dheer.natiijadu wey weyn tahay marka si weyn loo soo shaqeeyey.Sheeko kasta oo qiimo leh iyo buugg kasta oo saameyn lehna wuxuu ifka u soo baxey sannado badan oo rafaad leh ka dib. qorraayaduna  waxa ay hadda iyo jeer jecel yihiin,buuq la,aanta amusnaanta,kelinimada oo ah jawiyo ay ku xasilaan.Marar badan oo buuggaag ay soo saaraan suuqa ay ku fashilmaana niyad jab weyn ayey ka sii  qaadaan.

Waa suurtogal in qorraayadu ay sheekooyinka ka sameeyaan dhacdooyin iyaga ku soo dhacey.cadhada iyo farxadubana waxa ay qorraaga ku dhalliyaan in uu wax qorro,erayadaasi badan oo marka la isku xidho buugg iyo mawduuc isku noqon doona.Akhristaha bulshadda ee jecel hab qorraalka qorraage ayaan qorraga u ah halka uu ka helo kalsoonida in uu horre u sii socdo,taasi oo mar kasta qorraayada ku xidha in ay soo saaraan buug taabaneysa nolosha akhristaha.Qorraagu taariikhdii horre,dawladnimada,noloshiisa gaarka ah,Jaceylka,Qabyaallada,colladaha,sharciga iwm ayuu qorraagu si qoto dheer inoogu dhex libdhinayaa .Qorraayada loogu jecel yahay bulshadda dhexdeeda in aad ku biirto wakhti dheer ayey qaadani.kuwa in badan nolosha ku soo jirey noloshana aadka u yaqaana ayaana ugu qorraal fiicnaan doona 

Somaliland Toddobaad walba iyo bil walba waxaan arkeynaa buug loo dabaal degaayo,waxaan arkeynaa caweysyo wakhti lala qaadanaayo dadyow buuggaag soo bandhigaayo,da,yar iyo cirooleba waxa koox badani u jiheystey qorrida buuggaagta iyo dabaacadaha,taasi oo mustaqbalka iridaha u fureysa in dabaga iyo hubin lagu soo saameeyo waxa ay qorreyso. 

Bilahan oo kale sannadii 2001 ayaan billaabey in aan wax qorro.2021 waxaan u dabaal degi doonna 20 sanno oo aan wax qorraayey.kumanaan maqaallo ah ayaana sida qof dhiig laga shubaayo maskaxdayada ka soo maaxdey,saacaddaha dambe ee habeenkii,maalinta gelinkeeda dambe ayaana ugu badan wakhtiga aan wax qorro,kamana hello hadda in aan wax ka qorro siyaasadda,suugaanta iyo mawduucyo badan oo kale,hadda waxaan qallinkeyga u hibeeyey arrimaha waxbarashadda somaliland.Ogow Akhriste marar badan inta qorraayadu  kuu sheekeeyaan oo ay badweyn ku dhex geeyaan,caalam kalena Sheeko kugu geeyaan ayey halkaasi kaaga imanayaan .Buuggaagta  Soomaaliga ah ma Akhriyo,waxaana iigu danbeysey Buugg an si hagaagsan u dhammeystiro Aanadii Nageeye”.kuwa luqada afka ingiriisigana weli waxa ila sii nool “Mourning Tree“.haddana inta dalka taala Buugga Adna Aden ayaan jaldigiisa aad u fiiriyaa.

ceelaabe_10@hotmail.com