Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kiiniya waxay soo dhawayn u sameeyeen weftigii uu hoggaaminayey Guddoomyaha Kulmiye

Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Kiiniya gaar kuwa ku nool Nayroobi ayaa waxay xaflad soo dhowayn ah u sameeyeen weftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna murrashaxa Madaxweynaha.

Munaasibad ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyaddu ayaa waxay ka dhacday xarunta shirarka loo yaqaan KISS ee Nayroobi.

Xafladan ayaa wax aka soo qayb galay aqoonyahano, ganacsato, siyaasiyiin, wakiillada xisbiyada Somaliland ee Kiiniya iyo dadweyne aad u tiro badan oo ku dhaqan dalkaasi.

Safiirka Somaliland ee dalka Kiiniya Cabdillaahi Cabdi Cali, Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Kiiniya Siciid Dubbad Cali, wakiilka xisbiga Kulmiye ee Kiiniya Yaasiin Abubakar Jaamac, Nageeya Aadan Oomaar iyo weliba Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Ganacsatada suuqa Islii Xuseen Aar, ayaa dhammaantood hadallo soo dhawayn ah ka jeediyey xafladdaasi, una mahad celiyey Guddoomiyaha Kulmiye iyo weftigiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa u mahadceliyey jaaliyadda Somaliland soo dhawaynta ay u sameeyeen Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha Kulmiye. ย Waxa kaloo ay ku wargaliyeen jaaliyadda in ay u diyaargaroobaan xuska sannad-guurada 25 aad ee gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo gabogabadii munaasibaddaasi khudbad ka jeediyey, ayaa jaaliyadda uga warramay xaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada nolosha, abaarta, siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka.
Muuse biixi waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ahi ka imanayn doorashooyinka Somalialnd, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxaynu ku jirnaa sannadkii doorashada, markay doorashadu jirtana dadku way walwalaan, Somaliland way ka wayn tahay Kulmiye, Waddani iyo UCID iyo nin la dooranayo, waa saddex xisbi oo walaalo ah, Somaliland baa wada dhashay oo waa carruurteedii ee malaha iyaguba hooyadood hadimo u quudhimaayaan. Xisbiyadu waa in ay innaga saaraan qabiilka, qoqobnaanta iyo reer reerka, waa ujeeddada aynu u samaysanay xisbiyada.โ€

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey Guddoomiyuhu in dawladda Somaliland wado qorshe dalka dib loogu soo celiyo maydadka wixii la helo dhallinyaradii ku dhimatay doonidii ku degtay badwaynta u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga horraantii bishi hore ee Abril, isagoo ka hadlayana arrintaasina waxa uu yidhi:

โ€œWaxaannu ku rajowaynahay beryahan dawladda Masar baanu la hadlaynay in diyaarad aannu u dirno wixii maydad la helo aynu soo qaadano oo halkan la keeno.โ€

bandhige@gmail.com