Masuulliyiin ka tirsan Somaliland waxa la kulmeen hoggaamiyaha xibsiga Social Demogratic SDP ee Findland

Guddoomiyaha Gudigga Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Finland Saamiya Muuse, ayaa dalkaas ku soo dhawaysay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqalaaha Axmed Xasan Carwo.

Ugu horeyn Saamiya Muuse oo ka hadashay soo dhoweynta weftigan ayaa waxay tidhi:

“Waxaa sharaf weyn ii ah aniga oo ah Saamiya Muuse,  Guddoomiyaha Gudigga Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Finland inaan ku soo dhaweeynu Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi “Obama” oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo La Talaliyaha Madaxeweynaha Dhaqaalaha Axmed Carwo .”

Soo dhoweynta kadib waxay masuuliyiinta la kulmeen hoggaamiyaha Xibsiga Social Demogratic SDP ee Findland. Waxaana kulankaas lagu lafa-guray Qaddiyadda Aqoonsi ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka.

Guddoomiyaha Gudigga Ictiraaf Raadinta Somaliland ee Finland Saamiya Muuse waxay faahfaaahin ka bixisay kulankii dhexmaray Madaxda Xisbiga SDP, waxaanay tidhi: 

“Waxaannu saaka oo taariikhdu tahay 29.04.2016 la Kulanay hoggaamiyaha Xisbiga Social Demogratic SDP Reijo Paananen  oo aan ka tirsan ahay iyo saraakiil kale oo xisbigaas ka tirsan. Waxaan ka wada hadalnay Arrimaha Dibedda ee Somaliland iyo sidii ay u taageeri lahaayeen Qaddiyada Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo waliba in safaarad laga furo dalka Finland. Runtii hadalka Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi way soo dhaweeyeen Madaxda Xisbiga SDP, Waxaanay ballanqaadeen in ay xidhiidh fiican la wadaagi doonaan Somaliland.”

Sida ay sheegay Saamiya Muuse kulanka ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee la yeeshaan hoggaanka Xisbiga SDP, balse ay kala shaqaysay wakhtiyadii lagu jiray doorashadii 2005 ee dalka Findland, iyadoo arrimahaas ka hadlaysa waxay tidhi:

“Maaha markii u horraysay ee aan wada shaqayno Xisbiga SDP, waxaan kala qaybgalay doorashadii Madaxweynaha ee dalka Findland sannadkii 2005”.

bandhinge@gmail.com