Wefti ballaadhan oo ka socday Somaliland uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani ayaa waxay la kulmeen masuuliyiinka labada gole baarlamaan ee Maraykanka Senateka iyo Congresska.
Kulankan oo socday muddo saacado ah ayaa waxay dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen Aqoonsiga Somaliland, Xidhiidhka Diplomaasiyadeed ee labada dhinac, doorashooyinka iyo sidii Maraykanku u kordhin lahaa caawimada uu u fidiyo Somaliland.
Weftigan ayaa waxay kulan la qaateeen masuuliyiin sarsare oo ka socday illaa lix xafiis oo Senateka ah gaar ahaan xafiisyada Senatorska Chritopher Coons oo laga soo doorto Delware, Johny Isakson oo laga soo doorto Georgia, Tim Kaine oo laga soo doorto Virginia, Ben Cardin oo laga soo doorto Maryland iyo Amy Klobuchar oo laga soo doorto Minnesota.
Weftiga Somaliland ayaa sidoo kale kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay Guddiyada Arrimaha Debedda iyo Afrika qaabilsan ee ka dhisan Golaha Senateka. Arrimaha sida weyn loogu soo qaaday kulankan waxa ka mid ahayd, arrimaha xawaaladaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa u soo jeediyey masuuliyiinta ka socotay xafiisyada Senateka in ay door ka qaataan sidii loo garab istaagi lahaa hannaanka xawaaladaha, kuwaas oo lama huraan u ah nolosha dadka Soomaalida ah.
Masuuliyiinta ka socotay Golaha Senateka ayaa weftiga suโaalo ka weydiiyey arrintan xawlaadaha gaar ahaan miisaanka ay ugu fadhido nolosha dadka danyarta ah, hase ahaatee Guddoomiye Cirro ayaa arrintaasi ku tilmaamay in ay tahay mid daruuri u ah nolosha bulshada, dawladda Maraykankana wuxuu ugu baaqay in ay xoogga saaraan sidii ay u fududayn lahaayeen iyaga oo samaynaya jidadka ugu habboon.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa ugu horrayn uga sheekeeyey masuuliyiinta Maraykanka, Taariikhda Somaliland iyo horumarka ay illaa haatan gaadhay, isaga oo hordhigay in la gaadhay xilligii dawladda Maraykanku ay indhaha u soo jeedin lahayd arrimaha Somaliland, wuxuuna ka codsaday golaha Senateka in ay door ka qaataan sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa.
Masuuliyiinta ka socotay golaha sharci dejinta Maraykanka ayaa si weyn u soo dhoweeyey fikradaha weftiga Somaliland iyaga oo sheegay in ay u gudbin doonaan xogta ay ka heleen weftiga dhammaan xafiisyada ay khusayso, sidoo kale waxay balanqaadeen in ay doodda kulankaas ka dhalatay ay gaadhsiin doonaan kulamada lagaga hadlo arrimaha Afrika.
Kadib kulan socday saacad iyo dheeraad, waxaa weftiga Somaliland qado sharaf loogu sameeyey isla dhismaha golaha Senaterka halkaas oo ay uga sii gudbeen kulan labaad oo ay la qaateen Golaha Congresska Maraykanka.
Weftiga Somaliland ayaa ka kooban Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, Amb. Maxamed Cali, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Waddani Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Cabdiraxmaan Maxamed Magan, Wakiilka Xisbiga Waddani ee Virginia, Maryland iyo Washington Nuura Axmed Weris iyo Xubno kale.
Weftigan oo Arbacadii iyo Khamiistii la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Hayโadda Mucaawanooyinka Dibedda u qaabilsan dawladda Maraykanka ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa ee waayadan kulamo noocan ah la yeesha dawladda Maraykanka, isla markaana kala hadla xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo sidii Maraykanku door uga ciyaari lahaa aqoonsiga Somaliland.