Kal-fadhigii 12aad ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo lagu meelmariyey miisaaniyadda 2016-ka

Kal-fadhigii 12 aad ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dawladda Hoose. Kal-fadhigan oo qorsheysnaa inuu maalin hore qabsoomo ayaa waxaa dib-u-dhigay abaaraha ka dhacay gobolada galbeedka Soomaalilaan. kal-fadhigan oo ay goob-joog ahaayeen badiba xil-dhibaanada golaha deegaanka caasimaddu oo ay hor-mood ka ahaayeen Duqa Caasimadda ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaan, Maayar ku xigeenka iyo Xog-hayaha Fulinta waxaana uu ayaa ajandaha kal-fadhigani ahaa

  1. Dhagaysiga War-bixin sanadeedyada guddi-hoosaadyada golaha ee la xidhiidha wax-qabadkooda sanadkii dhamaaday ee 2015,
  2. Ansixinta go’aamadii ka soo baxay guddida joogtada ah mudadii u-dhaxaysay labada kal-fadhi,
  3. war-bixinta mashaariicdii qabsoontay 2015,
  4. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2016; iyo
  5. War-bixinta xaaladda abaaraha iyo gurmadka

Kal-fadhiga oo ku bilaabmay jawi wanaagsan, sidii uu ajanduhu u kala horeeyayna loo kala hor-meeyay ayaa waxaa la dhagaystay warbixin sanadeedkii Guddi-hoosaadyada golaha deegaanka oo guddi kastaaba si faah-faahsan u sharraxday wixii u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin iyo sababtay u qabsoomi waayeen iyo waliba qorshayaashooda.

Kal-fadhigan 12 aad waxaa si wayn loogu qaadaa-dhigay ODORASKA MIISAANIYADDA SANADKA 2016 ka iyo warbixinta sannad miisaaniyadeedkii hore ee 2015 ka. Waxaana warbixinta Miisaaniyaddii 2015 ku caddaa in sidii loogu tala galay ay wax walba u qabsoomeen, hawlaha yar ee aan qabsoomin na sharraxeen sababta ay u qabsoomi waayeen. Waxaa uu Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna Duqa Caasimaddu Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) si balaadhan u sharraxay miisaaniyaddii sanadkii hore iyo ta sannadkan 2016 ka oo uu sheegay in sanadkii hore ay guul-weyn ka gaadheen wax-qabadyo la taaban karo na ku tallaabsadeen. Wuxuu maayarku sheegay in sannadka ay sii laban-laabi doonaan wax-qabadka caasimadda oo halkii ay miisaaniyadda horumarintu ka ahayn %35 ay ka dhigi doonaan %45.

Waxaa kale oo uu duqu sheegay in sannadkan ay muhiimadda ugu weyn saari doonaan dhinaca Waddooyinka iyo hagaajinta Bilicda Caasimadda waxaana marka ugu horeysa ee qalabka la rakibo lagu bilaabi doonaa labada waddo ee kala ah (Wadada ka timaada Madaarka Cigaal ilaa Sal-dhigga Dhexe iyo Wadada Labaad ee Dhakhtarka weyn daba marta) Odoroska Miisaaniyadda Sanadka 2016 ka waxaa lagu qiyaasay

64,843,006,771,00 Slsh (Afar iyo Lixdan Bilyan, Siddeed Boqol Saddex iyo Afartan Milyan, Lix kun, iyo Todoba Boqol Kow iyo Todobaatan Shilin oo Soomaalilaan ah).

Markii xil-dhibaanada golaha deegaanka loo qeybiyay odoroska miisaaniyadda 2016ka ayaa waxaa ay isla garteen maadaama oo ay wakhtigii loogu tala-galay dhaaftay ay muhiim tahay in sidaa lagu ansixiyo. Cod kii la qaaday ayaa waxaa cod dhan 16 xil-dhibaan ku codeeyeen inay sidaa ku ansaxdo, halka hal xil-dhibaan uu diiday, cid ka aamustayna may jirin, Guddoomiyuhuna muu codeyn. Waxaana uu Maayarka Caasimaddu Mudana Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid uu halkaa kaga dhawaaqay inay Miisaaniyad Sannadeedka 2016ku sidaa ku ansaxday waxaana uu raaciyay in kal-fadhiguna uu sii socon doono maalinta berri ah (Salaasa), Insha’alaah.

bandhige@gmail.com