Ted Cruz oo Donald Trump kaga guulaystay doorashada hordhaca ah ee gobolka Iowa

Doorashooyinka hordhaca ah ee is-reeb-reebka musharaxiinta xisbiyada oo ka bilaabmay gobolka Iowa ee Maraykanka waxa dhinaca Jamhuuriga ku guulaystay Ted Cruz, taas oo ahayd mid aan la filayn.

Ted Cruz waxa uu helay codad gaadhaya boqolkiib 28%, halka Donald Trump oo ku soo xigay uu helay boqolkiiba 24%.

Beryihii ugu dambeeyey waxa aad u fadalo caddaa Donald Trump kaas oo hoggaaminayey murashaxiinta Maraykanka loona arkayey in doorashoyinka hor dhaca ah uu isagu ku soo bixi doono.

Dhanka kale, Hillary Clinton oo la filayey in ay si sahlan uga guulaysato murashaxa da’da ah ee Berny Sanders ayaa ilaa hadda aan la ogayn ka guulaystan doona. In kastoo codadka ilaa hadda la tiriyey Clinton ku horrayso 0.6, haddana weli waxa socota tirintii, sidaas ayaan loo ogayn ka ugu dambaynta guushiisa la shaacin doono.

Hillary Clinton oo ka dhaqaale badan kana caansan Berny Sanders isla markaana ka da’yar ayaa aad loola yaaban yahay sababta uu cidhiidhiga u soo geliyey. Markii hore waxa loo arkayey in ay dhinaca dimuqraadiga iyadu ka soo bixi doonto, waxase hadda bilaabmay in la is waydiiyo qofka ku guulaysan doona dorashooyinika hor dhaca ah kaas oo noqon doona qofka murashaxa u noqda xisbiga Jamhuuriga.

Doorashooyinkan hordhaca ah ee murashaxiintu isku reebayaan maalmahan soo socday waxay ka sii socon doonaan goboolada Maraynka iyadoo ay maantana ka dhici doonto gobolka New Hampshire.

bandhge@gmail.com