Kerry oo ku booriyey Ruushka iyo Iiraan in ay Al-Asad ku qanciyaan wada-hadal

Kerry oo haatan ku sugan dalka Ingiriiska oo la kulmay dhiggiisa Ingiriiska Philip Hammond ayaa ku booriyey Ruushka iyo Iiraan in ay ku qanciyaan Madaxweyne Bashar Al-Asad in uu wada-hadallo la galo mudaaridka dalkiisa.

Sidoo kale ururka dusha kala socda arrimaha Suuriya ee fadhigoodu yahay Landhan ayaa sheegay in 56 ka mid ah dagaalyahannada Islaamiyiinta ay ciidamada Suuriya dileen.

Dhinaca kale gobollada waqooyi-galbeed ee dalka ayaa waxa ka socda duqayn dhinaca cirka.

Dagaallada ka socda Suuriya ayaa maalmahan danbe cirka isku sii shareerary ka dib markii diyaaradaha dagaalku ka qayb qaateen weerar ay dawladdu kula jirto xoogagga mucaaridka.

Maraykanka ayaa aaminsan in Iiraan iyo Ruushku ay wax weyn ka tari karaan sidii ay Bashaar Al-Asad ugu qancin lahaayeen in uu dhiso dawlad midnimo-qaran oo isaga ka hoos shaqaysa muddo kadibna uu isaga laftiisu kursiga banneeyo, taas oo wax ka tari doonta xasilloonida Suuriya sida ay aaminsan yihiin.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tibaaxaya in arrintani ay guul u tahay Bashaar Al-Asad oo ay reer galbeedku markii hore ku shaambadeeyeen dambiile aan lala hadli karin in xoog xukunka lagaga tuuro mooyaane.

bandhige@gmail.com