Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry ayaa maanta wada-hadallo la billaabay saraakiisha dalka Ciraaq, isaga oo ku guda jira boqoasho hal maalin ah oo uu ku joogo Baghdad.
Kerry ayaa waxa uu isku dayayaa in uu hoosta ka xariiqo taageerada Maraykanku uu u hayo dawladda Ciraaq oo isku dayeysa ย ย wax ka qabato caqabado ay ka mid yihiin amni darro, dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed.
John Kerry oo ka hadlay safarkiis iyo taageerada Maraykanku la garab taagan yahay dawladda Ciraaq mar uu kulan lahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Ciraaq ayaa waxa uu yidhi:
โWaa caddahay in tani ay waqti muhiim ah u tahay Ciraaq.โ
Kerry ayaa Ciraaq kaga soo safray dalka Baxreyn, isaga oo aan horey usii shaacin boqashadiisa oo ah tii ugu horreysay ee uu ka tago Baghdad tan iyo sanaddii 2014.
Inta uu jooga Kerry Ciraaq waxa la filayaa in uu la kulmo Raysal-wasaraha, Haider Al-Abadi iyo Raysal-wasaaraha dawlad Goboleedka Kurdiyiinta Nechrivan Barzani.