Turkiga Iyo Israel waxay wada-galayaan heshiish ay dib ugu soo celinayaan xidhiidhkoodii

Turkey ayaa sheegay in diblomaasiyiinteeda ay horumar wanaagsan ka sameeyeen heshiis ay la galayaan diblomaasiyiinta Israa’iill, kaasi oo lagu soo celinayo xidhiidhkii labada dawladdood oo muddo maqnaa.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa maanta sheegtay in saraakiisheeda ay maanta ku ogolaadeen magaalada London in heshiis lagu kala saxiixdo kulanka ka xiga.

Weli waqti looma qaban saxiixa heshiiska, hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga waxa ay sheegtay in waqti dhow loo saxiixi doono.

Xidhiidhka labada dal ayaa burburay sannadkii 2010 kadib markii Israa’iil ay faro-gelisay markab Turki ah oo gargaar u waday magaalada Gaza, oo Israa’iil ay xanibaad saartay sababo la xidhiidha kooxda Xamas oo maamuleysay magaalada.

Waxa dhacdadaas lagu dilay Toban qof oo Turki ah, waxaana Turkiga ay dalbadeen magdhow iyo in lasoo geba gebeeyo xanibaadda Israa’iil ay ku hayso dhulalka Falastiin.

bandhige@gmail.com