War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Kulmiye ayaa waxa sheegay in ay xubinnimadii xisbiga waayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad Maxamed Xaaji Yuusuf ย โWaabeeyeโ iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad Cabdiraxmaan Maxamed โTalyanleโ.
War-saxaafadeedkan ka soo baxay xisbiga Kulmiyena wax uu dhignaa sidan:
War-saxaafadeed
Ujeedo: Goโaanka Guddida Fulintaย ee Xisbiga KULMIYE.
Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo shir isugu yimi xalay, April 9, 2016, waxa ay dood iyo falanqayn ka galeen eedayn sharci jabin ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga oo hore loogu gudbiyey.
Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada XL.14/2011, qodobka 2-aad, faqradiisa 4-aad, qodobka 9-aad, faqradiisa 5-aad, qodobka 10-aad, faqradiisa 3-aad iyo 4-aad, iyo qodobka 25-aad, faqradiisa t.
Guddida Fulintu kadib markii ay arkeen Dastuurka Xisbiga KULMIYE, qodobka 11-aad, faqradiisa 1-aad, qodobka 13-aad iyo qodobka 25-aad, waxay goโaan ku gaadheen:
- In mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Guddoomiye-ku-xigeenkii 2-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.
- In mudane Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye-ku-xigeenkii 3-aad ee xisbiga KULMIYE uu lumiyey xilkii Guddoomiye-ku-xigeennimo ee xisbiga, xubinnimaddii Guddida Fulinta, tii golaha dhexe iyo xubinnimadii xisbiga intaba, kadib markii uu ku gafay xeerarka Qaranka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE ee kor ku xusan.
Allaa Mahad Leh.
Xassan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
______________________________________________
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
Email: info@kulmiyeparty.org
Telephone: +25263 4026659, +25263 4426677,
Shaโab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.