Macron waxa loo dhaariyay madaxweynaha Faransiiska

 

Emmanuel Macron ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha cusub ee Faransiiska, todobaad kadib markii uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

Macron ayaa ballanqaaday in uu isbedel ballaadhan ku samayn doono siyaasadda dalkaasi, uuna soo nooleyn doono dhaqaalaha.

Balse arrimahaasi ayaa ku xidhnaan doona sida uu xisbigiisa cusub ee “The Republic on the Move” uu ugu guulaysto doorashada baarlamaanka ee dhacaysa bisha soo socota.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in haddii uu Macron ku guuldaraysto isbedelka uu ballanqaaday, uu noqon doono sida madaxweynaha xilka ku wareejiyay, Francois Hollande, kaasoo waqtigiisu dhammaaday isagoo aan shacbiyad badan haysan.

Boqolaal boolis ah ayaa sugaya ammaanka caasimadda Paris intii ay socotay xaflada caleema-saarka oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Elysee Palace.

Faransiiska ayaa xaalad degdeg ah ku jiray tan iyo weerarradii sannadkii 2015 ka dhacay caasimadda Paris, kuwaasoo ay ku dhinteen 137 qof.

Macron ayaa Isniinta beri ah booqan doona caasimadda Berlin ee dalka Jarmalka, si uu hoggaamiyaha dalkaasi Angela Merkel ugu xaqiijiyo taageerada uu u hayo Midowga Yurub.

Sidoo kale waxaa la filayaa in uu dhawaan magacaabo Raysal-wasaare.

Caqabadaha uu wajahayo madaxweynaha cusub ayaa waxa ka mid ah shaqa la’aan haysata dhallinyarada Faransiiska iyo dhaqaalaha gaabiska ku socda.

bandhige@gmail.com