Xasuuqii Xaqsoor iyo xogo laga helay xubnihii ka dambeeyey

 

Waxay ahayd 6dii Bishii December markii Habeenimadii Khamiista Todobadii Fiidnimo Rasaas Goosgoos ahi ka bilaabantay Degmadda Axmed Dhagax gaar ahaan agagaarka Xerada Birjeex iyo Garoonka Kubadda Cagta Hargeysa Saacado ka dib Waxa lagu Guulaystay Mudaharaad kooban oo taageerayaasha Ururkii Xaqsoor Ay Dhigeen in La demiyo iyadoo Salaadiin Wax garad masuuliyiin iyo Mdaxda amniga oo uu ugu Horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland ay Si Weyn uga Hawl galaan in Tabashada iyo Cabashada Sifo Sharciya loo Maro lana joojiyo Mudaharaadka habeenkaa rasaastii Dhacaysay Waxa ku Dhintay Laba Qof oo mid ka mida Rasaas Habaw ahi Gurigooda ugu Tagtay,Markii Waagu Beryay Waxa garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Studium isugu Tegey Taageerayaasha ururkii Xaqsoor,Madax dhaqameed Madaxda Amniga iyo Gudoomiyihii Ururkaasi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo Hor Kacayey Xubnihii Fulinta ee Ururkaasi Waa Maalin Jimce ah 07dii bishii 12aad ee Diisambar Siddeedii Subaxnimo ilaa 11 Duhurnimo ayaa halkaa ay ka socotay wada hadalo iyo isu tanaasul iyadoo kulamo kale loo balamay isla markaana salaadii jimce loo dareeray.Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa warbaahinta Markaa u sheegay in ay Cadaalad Rabaan isla markaaana aanay ogolayn Natiijada Doorashada ee Guddiga Doorashooyinku Xalay Ku dhawaaqeen Balse ay ka warsugayaan Madax Dhaqameedka iyo Dadkii Masuuliyiinta aha ee ay wax isla meel Dhigeen

“Waxaanu Ka war sugaynaa Madax dhaqameedka iyo Dadkaa Masuuliyiinta ah Mudahaarka Taageerayaashayadu wadaaa waxaan ku amray inay joojiyaan Cadaalad ayaanu rabnaa ma ogoli Go’aanka Guddiga Doorashooyinka ka Soo baxay.

Wax yar ka Dib Markii dadkii Garoonkii Ka dareeray Waxa Bilaabantay Rasaas Ka dib markii ay isku Dhaceen Booliiska Iyo taageerayaashii Ururkii Xaqsoor Hadaba Xubnihii Ka Dambeeyay Xasuuqii Xaqsoor oo iminka dadka Wax kale u sheega Bal aynu wax ka ogaano kuway ahaayeen iyo Mid kastaa Qaybtu ku lahaa.

Wasiirkii Madaxtooyada ee Hore ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan Wuxuu Si Badheedha Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdilaahi Fadal ugu Amray Inuu Caruurta Haweenka iyo Maatida Dhabarka Ciidamadu Ka toogtaan Maa aha Wax aannu Samaynay waa Wax runa Qoraalkan iyo Hadalka Xirsi Ka Soo Baxay

“Taliye Fadaloow Dhabarka ka toogo Kuwa Mudaharaadka Wada, Haddaad Reerkaaga Waxba ka qaban Kari Waydo Sidaad Dad kale Wax uga Qaban Kartaa,Isagoo ku amraya inuu Wax laayo isla markaana u sheegaya dadka Mudaharaadka wadaa inay Reerkiisii Yihiin

Wasiir Duur oo isna hadalkaa Xirsi Sii Daba Socda ayaa isaguna Waxa uu taliyaha ku adkeeyay maadaama isaga ay Booliisku hoos tagaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inuu Amarka wasiirka Madaxtooyada Qaato

“Qaado Amarka Wasiir Xirsi  cid kasta oo fal amni daro ku kacdana masuuliyadda ina saran ayaa Waajibisay inaynu Taayirka Marino,Saddex Cisho Ka dibnas Dhaawacii iyo Bukaankii Jiifay Cisbitaalka Adna Waxa uu u Geeyay Shan Shan Milyan oo ay ugu talagaleen inay Daawada iskaga bixiyaan in kastoo Qaar Bukaan Dhaawaca ka mid ahaa Lacagtaa Diideen Isla markaa Caaqado Biyo ah ku Tuureen Wasiirka iyo Dadkii La socday

Wasiirkii Hore ee Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo Caruurta laayey Beeshiisa ahaayeen ayaa Isagoo Gaada ka ciyaar ku jira isla markaana waxa dhacay ku faraxsan una arka in Xilligii 2005tii uu u tartamayey Golihii Wakiiladda ee Xilligaa in Reerkiisu Cod siin Waayeen Wuxuu Saxaafada u Sheegay in Sharciyan aan Ururka xaqsoor Xaq u Lahayn inuu Maxkamad Tago

“Waxaan ku Amray Hay’adaha Garsoorka iyo Maxkamadda Gobolkaba inaanay ka qaban Dacwada uu Wato Ururka Xaqsoor Sida komishankuba u diiday inay u diidaan Waxaan ku Adkaynayaa Faysal Dagadago iyo Rashiid Duraan inay Qaataan Amarka Gudoomiyaha Maxkamada sare Mudane Yuusuf (Gudoomiyihii Hore ee Maxkamadda Sare) (Faysal Dagadago iyo Rashiid Duraan Labadii Gudoomiye ee Maxkamada Gobolka Maroodijeex iyo Racfaanka Hargeysa) Wxaanu Xuseen Axmed Caydiid Sheegay in Gudigga Doorashooyinka ay u taalo ka garnaqa Arintaasi Caruur iyo Maato La kiciyana aan Waxba Lagu Helayn.

Gudoomiyihii Hore ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland Ingineer Ciise Xamari ayaa isaguna ka hadlay Saxaafadana u Sheegay in Dib loogu Noqonayo Tirinta codadka gaar ahaan Gobolka Hargeysa Ururada Cabanayana La qanciyo arrimahooda Wixii ay tabanayaana Maxkamadda Loogu Gudbinayo

“Waxa jira cabashooyin ku saabsan arrimaha doorashooyinka, sidaa darteed waxa uu komishanka doorashoyinku go’aan ku gaadhay, maadaama degmadda Hargeysa go’aankeedii ay ku dhawaaqday cabashooyin ka yimaadeen in aanu hakinay go’aankii degmada Hargeysa, dib u eegisna ku samaynayno”ayuu yidhi gudoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Ciise Xamari, intaas ku daray in qaab kasta oo ay ku  qanci karaan loo samaynayo xisbiyada iyo ururada cabanaya.

Arrimahaasi markii ay Dhaceen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Aad ayuu uga Cadhooday waxaanu isugu Yeedhay Madaxda Laamaha amaanka iyo Wasiiradii Arrimahaa ku Shaqada lahaa mid ka mida masuuliyiintii Xilligaa Goob jooga ka ahaa Kulankaa yaa Sidan Noo Sheegay

‘Madaxweynaha Waxa Warbixinta Mudaharaadka iyo Sida Wax u dhaceen loo Soo Gudbiyay Labadii duhurnimo iyadoo xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen oo Raggii amniga Qaabilsanaa wixii ay Xumaynayeen Xumeeyeen Caruur iyo Haweena Dhinteen Waxaanu si kulul oo Cadho leh ugu yidhi masuuliyiintii Hawshaa Fulusay Ma Qaadan karo in Doorashooyinkeenu Horseedaan in Dhiig ku Daato iyadoo aad og tihiin inaan Siddeetan Cod uga Tanaasulay Doorashadii Dhacday 2003,14 April Laguna Dhawaaqay 19 April 2003 Waana laf jab iyo Qarn jab in Maatadeena Xabad lala Dhacaa.

Haddaba wargeyska sahan oo Xogahan iyo Qaar kaleba soo ururiyay wuxuu Bulshada u soo bandhigi Doonaa Qaybo kale oo ka mida Dadkii Xasuuqaa Xaqsoor Lugta ku Lahaa oo qaarkood Ummadda iminka Isaga Dhigaan Rag Ceb ka Saliina oo Nadiifa.

Wargeyska Sahan