Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak ayaa dhintey isagoo jira da’da 91, telefishanka dowladda Masar ayaa xaqiijiyay.
Mubarak waxa uu dhashay 1928, wuxuuna galay ciidanka cirka isagoo da’yar wuxuuna kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalkii 1973 ee u dhexeeyay Carab iyo Israel.
Mubarak wuxuu xukumayay Masar 30 sano ilaa uu xukunka laga tuuray kadib mudaaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeeday xukunkiisa sanadkii 2011.
Mubarak waxa uu madaxweyne noqday toban sano kadib markii la diley madaxweyne Anwar Sadat, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray geedi socodka nabadeynta Israel iyo Falastiin.
Sannadkii 2012 waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu eedayay in uu qorsheynayay inuu dilo 239 mudaharaadeyaal intii lagu gudajiray kacdoonkii lagaga soo horjeeday.
Maxkmadda racfaanka ee waddankaasi ayaa amartay in dib loo dhigo kiiskii Mubarak Ugu dambeyntiina waxaa la sii daayay Sannadkii 2017.
Xigasho: Warbaahinta caalamka.