Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Muslimiinta ugu baaqay in ay diidaan kala fogaynta dhasha gaar ahaan dawooyinka loo isticmaalo kala fogeynta carruurta.
Erdogan oo khubda toos ah kala hadlaayey bulshada ayaa waxa uu hadalkan ugu baaqay dadweynaha Muslimiinta ah.
Erdogan wuxuu sheegay in qoys Muslim ah uusan qorshaha ku darsanin isticmaalka dawada caruurta kala fogaysa ayna labo jibaaraan tarankooda.
Qolyaha arrimaha haweenka Turkiga u dooda ayaa horay ugu dhaliilay madaxwaynuhu in uu xadidaada taranka la simay khayaano qaran iyo in uu meesha ka saaray sinaanta jinsiga.