Maxkamad Ciidan Soomaaliya ayaa waxay xukunno u dhexeeya lix bilood ilaa xabsi daa’in kuwaas oo lagu in ay ku luglaahaayeen qaxarii Daalo.
Qaraxa diyaaradda Daalo ayaa waxa uu dhacay labadii bishii Febraayo ee sanadkan markaasoo ay ka duushay garoonka diyaaraddaha ee Aaden Cadde.
Laba ka mid ah eedaysanayaasha oo lagu helay in ka dambeeyey qaraxa ayaa waxa lagu xukumay xabsi daa’in halka sideed eedeysanena lagu xukumay xabsi u dhexeeya afar sanno ilaa lix bilood.
Safiyo Cabdullaahi Xasan oo ahayd gabadha kaliya ee ku jirtay dadka loo haystay dacwadaasi ayaa lagu xukumay afar sanno oo xabsi ciidan ah.
Dadka loo haystay dacwadan ayaa isugu jiray shaqaale garoonka ka shaqayn jiray, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo dad kale kuwaas oo la soo qabqabtay kaddib baadhitaano ay sameeyeen laamaha sirta ee dawladda Soomaaliya.
Xukunka saaka ay riday maxkamadda darajada koobaad ee ciidammada ayaa xabsi daa’in lagu xukumay Cabdiwali Maxamuud Macoow oo kamid ahaa shaqaalaha garoonka Aden Cadde oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay danbigii lagu soo oogay iyo Carays Xaashi Cabdi oo isagoo maqan isna lagu xukumay xabsi daa’in.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidammada gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhaawaqay xukunka lagu riday labada nin ee ay sheegtay in ay ahaayeen maskaxdii ka danbeysay qaraxii loo gaystay diyaaradda Daalo.
Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ciddii wax ka tirsanaysa xukunka lagu riday dadkii loo haystay qaraxii diyaaradda Daalo ay u furan tahay in ay racfaan ka qaataan maxkamadda sare ee ciidammada.
Maxkamaddu waxa ay sheegtay in markii hore la doonayay in computer ka gacanta lagu qaato ama laptopka qaraxa lagu xidhay lala raaco diyaaradda Turkish duullimaadkeedii Muqdisho Istanbuul isagoo uu sido Cabdisalaan Cabdullaahi Boore oo ahaa ninkii markii danbe ku dhintay qaraxii diyaaradda Daalo ka dhex dhacay loona malaynayo in uu isagu diyaaradda isku dhex qarxiyay.