Hoggaamiyihii mucaarida ee wadahalada Suuriya oo is casilay

Maxamed Alloush oo ahaa gudoomiyaha wadahadalada ee daladda ugu wayn mucaaradka Suuriya ayaa isu casilay wax uu ugu yeedhay wadahadaladii nabadda oo dhicisoobay.

Alloush oo ka socda guddiga sare ee wadahadalada ee magaciisa loo soo gaabiyo HNC, ayaa sheegay in wadahadaladu aysan keenin heshiis siyaasadeed amaba aysan dabcinin xaaladdii ka taagnayd dhulka la goโ€™doomiyay ee Suuriya.

HNC ayaan ka qayb galin wadahadaladii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadinaysay ee Geneva ka dhacay bishii afraad ee sannadkan. Wadahadalada Suuriyana wax wakhti ah looma qabanin sii socoshadoooda.

HNC oo Sucuudiga taageero ka haysta ayaa muddo bilooyin ah sheegayay sida ay ugu jahwareersan yihiin wadahadalada.

Waxaa ka cadhaysiiyay sida gargaarka banii-aadminimadu uusan u gaadhaynin goobaha la goโ€™doomiyay, gaabiska ay ku socoto sii daynta dadka siyaasadda u xidhan iyo sida uu dhaqdhaqaaqu meesha uga maqan yahay marka laga hadlayo xilliga kala guurka ah ee Suuriya marka uu meesha ka baxo madaxwayne Bashaar Al asad.

bandhige@gmail.com