Sucuudiga oo ka hadlay go’aanka Eeraan ee joojinta xujaajta sannadkan

Sucuudiga ayaa jawaab ka bixiyay hadalka ka soo yeedhhay dawladda Eeraan oo sheegtay in aanay xujaaj u dirayn sannadkan Hajka.

Eeraan ayaa kol hore sheegtay in masuuliyiinta Sucuudiga ay xujjooyin badan ku xidheen xujeyda Eeraan.

Balse Wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa sheegay in xujeyda Eeraan ay dalbanayaan in loo suurtagaliyo in ay mudaaharadyo qabsan karaan. Arrintaasi ayuu wasiirku ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Xajkii sannadkii hore, ayey boqolaal xujey ah oo badi ay u dhaseen Eeraan ay ku dhinteen wiish ku soo dhacay oo Tehran ku eedeysay madaxda Sucuudiga.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ee Eeraan iyo Sucuudiga, ayaa sii kordheysay iyadoo labada awoodood ee gobolka ay kala taageeraan kooxo kala duwan ee ku dagaalamaya Suuriya iyo Yemen.

bandhige@gmail.com