Shan iyo labaatan guurada 18-ka May: Rubuc Qarni fursad u ah Soomaali walba Q2aad (WQ: Mustafe Suleymaan Cilmi)

Hal-qabsi:

Waxba Yaanu Xeerkey I Marin, Xoolana I Siin eh,

Xaashee Nin Libin Kaa Xistiyey, Xumihii Waa Yaabe,

 Tixo ka mid Gabayadii Salaan Carabey-AHUN-

Qeybta labaad, waxa aynu diirada ku saari doonaa sida ay fursad nololeed ugu tahey qof walba oo qowmiyada Soomaalida ka mid ah kana baxsan xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Wey jirtaa oo sii socon doontaa inta muddo ah in ay soomaalidu intooda badan inkiraan waxtarka ay noloshoodu ku biiriso Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, sababo hadda aan ku jirin lafo-gurkeena! Waa kuwo ay saldhig u tahey arrimo isbarkan oo aan si dhab ah looga garnaqsan muddada rubuc qarniga ah oo ay cimri tirsatey qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland! Haddaba, marka aynu dareerino qodobada sida kooban aynu ugu iftiimineyno mowduucan, waxa aynu ka xusi karnaa:

  1. SNM waxay wakhti yar ka hor dagaalkeeda kama damebeysta ahaa heshiish iskaashi oo dhinaca halganka ah ay la gashey laba jabhadood oo si weyn ay usoo gacan qabatey. USC iyo SPM oo si ahaan ku filnaa dheelitirka qabaa’ilka loolanka ku jira (Hawiye iyo Daarood). Waxaa intaa dheeraa, in talkulada ugu dambeysey ee SNM ay boqolkiiba inta badan ku saacidey labadan jabhadood iyada oo aad ugu dardaartey fulinta WACADKA MUSTAQBALKA SIYAASADEED EE SOOMAALIYA (heshiiska saddex geesoodka ahaa iyo xarunta halganka hubeysa ee ALMIS-Balligubadle-1990kii).
  1. Waxaa dhacdey in labada jabhadood oo SNM heshiiska la gashey ay ka baxeen WACADKA isla marka la ridey taliska macangaga ahaa (26kii Jeenerweri 1991ka)! Muqdisho waxaa lagaga dhawaaqey DOWLAD KU-MEELGAADH AH oo aan laga wada tashan.
  1. Runtii, qabaa’ilka Soomaalidu jabhadnimada kuma wada jirin oo inta badan wey deganaayeen in kasta oo xanuunka iyo damqashada nidaamkuu ahaa mid ay wadaagayeen. Dhinaca kale marka laga fiiriyo, qodob uu talisku aad ugu caabiyey SNM oo xaga baro-bogaandada ahaa, waxaa uu ahaa in uu u tusiyo dadyowga kale, in SNM tahey reer siyaasiyan kacsan oo isaga fursad ugu filneyd in nidaamkiisu sii waaro misna dhagarta reer Waqooyi khaasatan Reer Sheekh Isxaaq uu ka galayey sii socoto! Waa mid markhaati ugu filan sida uu saameynta taban magaca qabiilku ugu leeyahey hab-nololeedka Soomaalida oo u baahan daaraseyn miisaan leh iyo markakan la orodasayo hiigsiga qaran heybad leh.
  1. Isla marka guusha dagaal ay SNM gaadhey, waxay si la mid ah midkan ay Somaliland kaga howl-gashey inta iyo inta awoodeeda aheyd ay suurto-galisey in khasaaraha dagaalku ku koobnaado intii la is hayey nidaamka keli-taliska ahaa! Sidaa darteed, iyada oo ay adkeyd in SNM wada-xaajood la gasho dhulalka soomaalida kale oo aanu maamul ka jirin, waxay diyaarisey qorshayaal deg-deg ah oo dhinaca xabad joojinta, iyo nabad-ku-wada noolaanshaha ku waajahnaa. Waxaa la daad gureeyey tiro badan oo ciidama dowlada dhacdey ka mid ahaa balse dhalasho ahaan deegaanada kale ka soo jeeda.
  1. Maxaabiis tiro badan oo loogu yimid xabsiyada Berbera iyo Hargeysa oo dhamaantood ciidamada ka tirsanaa ayaa la daad gureeyey lana geeyey inta deegaamadooda aheyd. Waxaa xusuus mudan in gabal-dhaca makhribka daad-gureyntu la bilaabo si aan dadweynuhu u ogaan socdaalkoodu lana geeyo waaberiga dhulka ugu dhow deegaamadooda sida Qabri-bayax.
  1. Gacmo ka laabashada ku lug-lahaanshaha siyaasada murugtey ee Soomaliya ayaa aheyd mid si weyn SNM uga taxadirtey misna bedelkeeda ahaa isku soo dhoweyn, wada xaajoodo lagaga baxay, iyo in jawi degan oo suurto-geliya isdhexgal iyo nabad-ku-noolaansho waara uu ahaa midka dhinaca Somaliland laga waraabiyo oo dhab ahaan midho dhal noqdey waana midka yareeyey khasaaraha maalin iyo habeen ka socda dhinaca Soomaaliya. Mase dhaadaan walaalaha reer Soomaaliya oo iyagu mar walba qorshahoodu waa midkii dhagarta huwanaa waaney fulin haddiiba wakhtigu saacido (Dhagartii qaaweneyd oo soomaalida dhexdeeda laga fuliyo(DABAR-GOYNTA-).
  1. Waxaa si deg-deg ah loo joojiyey dacwooyin si sharci ah uga bilaabmey Hargeysa iyo Berbera oo cido gaar ah dadweynuhu u qabeen si loo xakameeyo in aanu saameyn taban ku yeelan xasaasiyada qabaa’ilka Soomaalida maadaama taliskii la ridey. Waxay noqotey wacad nabadeed cid lala galey aaney jirin balse maamuuska iyo milgaha dhaqan ee Soomaalida lagu tixgaliyey.
  1. Waxaa xasuus mudan sida hogaamiye kasta oo Somaliland soo marey ay arrin weyn iyo mid mudan ugu aheyd dhowrista sharafka shacabka soomaalida oo ula sinaa sida ay u xanaaneeyaan midkan shacabka reer Somaliland oo madaxdooda ahaayeen/yihiin! Sareeye-guuto M. F. Caydiid ayaa fariin Taar ah u soo direy Guddoomiye C/raxmaan Axmed Cali oo Taliska Hararge soo dhigey isaga oo ka codsadey in ugu yaraan laba guuto oo dagaal-yahankii SNM ah u diro Muqdisho madaama ay kooxda Maanifeesto ka dhex kacdey qorshahiisa-AHUN labada marxuum-! Hogaamiye C. A. Cali ayaa ugu jawaab-celiyey “Dhiig soomaaliyeed in ku filan in daadisaa Muqdisho waa joogaan hal naftii-hure oo SNM ah ka qeyb gelimaayo”. AHUN marxuum M. I. Cigaal sidoo kale ayuu sameeyey marar badan oo qadiyada Soomaalinimada uu ka howl-galey. Kuwo kale oo uga dambeeyeyna xukunka sidoo kale ayey fuliyeen (Md. Daahir Rayaale iyo M/weyne A. M. M.-Siilaanyo- oo hadda talada haya! Nasiibdaro, walaalaha Soomaalidu ma qiimeeyaan waxtarkaa joogtada ah oo bedelkoodu waa u QORSHEYSAN YAHEY MAR AY NOQOTOBA! Waa qaraarkii GUMAADKA DHAGAREYSAN AHAA oo aan si gabasho laheyn ay Somaliland ugu soo qaadaan marka iyo marka wakhtigu saacido.
  1. Hirgelinta maamulka dowliga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ma uu aheyn mid macno u leh reer Somaliland keliya, balse waxaa ku lamaan sida togan oo isla soomaalida kale uga dheefto. Nabad-ku-noolaanshaha Soomaalida Jibouti, kuwa kililka shanaad, iyo kuwan reer Soomaaliya ayaa ah mid dhab ahaan la taaban karo! Waa faa’iido rasmi ah oo la taaban karo oo hogaamiye walba oo Soomaliland soo marey iyo midka hadda xilka hayaa si weyn uga fikiro ugana shaqeeyo. Waxaaba markhaati ugu filan amniga xidideystey ee ka jira xuduudaha Somaliland la leedahey, Itoobiya, Jabuuti, iyo Soomaaliya.
  1. Somaliland waxay inta badan tixgelin iyo mudnaan ay siisaa deganaanshaha guud ee dhulweynaha qowmiyada Soomaalidu ay degto oo mandaqada Geeska Afrika ah; nabad ahaan, siyaasad ahaan, ganacsi ahaan, iyo is-dhexgal ahaan. Tusaale fudud, waa sida togan oo milgaha iyo soomaalinimadu ku dheehneyd oo Sareeyo-guuto Cade Muuse Boqor iyo G/sare C/llaahi Yuusuf ay colaadooda NABAD LOOGU MINGUURIYEY. Akhriste bal ogow, oo siyaasiyan Puntland waxaa loola jeedaa in QADIYADA SOMALILAND LAGU WIIQO! Walaalaha Soomaalidu waxay ka mideysan yihiin colaadinta iyo gulufka joogtada oo dhinac walba ay Somaliland kala horjeedaan.
  1. Waxaa kale oo tusaale ah, sida diyaarada ay reer Puntland marka kuwa heybtooda ahaa kala degeen magaalada Gaal-kacayo oo ugu khasbeen in ay deg-deg hawada u gasho iyaga oo aan ka jixin-jixin cawaaqib xumada ka dhalaneysey marka shidaalku ka go’ iyo qudh-gooyada rakaabka saarnaa ay mudan lahaayeen! Waxaa si naxariis iyo milgo leh uga howl-galey dowlada Jamhuuriyada Somaliland oo badbaadisey rakaabkii iyo diyaarada ay saarnaayeen.
  1. Soomaalidu iyaga oo isku meeqaam ah ayey Somaliland ku nool yihiin siyaabo kala duwan, ganacsi ahaan, nolol ahaan, safar ahaan IWM. Qofna looma takooro cida ama deegaanka uu ka soo jeedo ee si la mid muwaadiniinta reer Somaliland ayuu ugu nool yahey caasimada Hargeysa iyo magaalooyinka kaleba.
  1. Nasiibdaradu waxaa weeyi, in nin talo ka baahdey oo gar-gaar u baahan misna mid tashadey DAAWO LOO WEYDIIYO! Waxa uu ku baaqaa waa ila gubo, masiibada aynu wadaagno, IWM. Maba hayo deganaanshu uu kaga fikiro iyo iyada oo Xasad iyo xiqdi u dheer yahey! Si kale haddiiba aynu u dhigno, Marka aad libintaada sheegan weydo, waxay fursad ugu filan tahey midka adiga dambiga kaa galey in uu Eed kuu sheegto!

Waxaan ku afmeerayaa maqaalkan, tixo ka mid maansooyinka Gabyaa Gaariye-AHUN- iyo Gurmad

Gar Aad Leedahey oo Nin Og Yahey,

Nin kaaga Masuugey Gole,

Ninkii yidhi Gaal diloo,

Gartiisana Sii Ma Arag,

Garsoor Nin Ku Gaadhi Kara……..

 

Tixo ka mid ah Maansadii Gurmad ee AHUN Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye-

 

Allaa mahad leh,

-Dhamaad-

 

Qalinka:                Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 

Tel:                         00252 (0)634137470.

Email:                    mustafe72@gmail.com