Madaxweyne-ku-xigeenk.Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylaci” ayaa waxa maanta soo kormeerey qaybaha kale duwan ee dekedda Berber.
Waxa uu Saylici ku ammaanay Maareeyaha dekedda Berbera wax-qabad la taaban karo oo uu ka hir-geliyey guud ahaan dekedda Berbera, waxaana uu tilmaamay in uu si hagar la’aan ah uu uga shaqeeyey ballaadhinta, casriyeynta iyo weliba dib-u-habeynta dekeddaasi.
Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylaci, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey kormeer uu ku soo maray dhismaha ballaadhinta barxadda Wajaale ee dekedda Berbera.
Hoos ka daawo muqaalka waranka: