Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa joojiyay imtixaan laga qaado sannad walba shaqaalaha dawladda sababtoo ah walaac laga qabo in ay dumarka in uu ka eexanayo, kana muujiyeen cadaalad darro weyn.
Rouhani ayaa amray in la joojiyo 3000 oo shaqo oo la bixinayo, lagana fakaro haddii ay ragga u eexanayaan.
Qaar ka mid ah haโyadaha dawladda sida maxkamada milatariga ayaa waxaa gacanta ku haya niman mayal adag, waxayna shaqooyinka u furan tahay oo kaliya ragga.
Rouhani ayaa lagu yaqaanaa inuu difaaco xuquuqda dumarka.
Wuxuu u magacaabay dhowr dumar wasiiraddiisa oo ay ka mid yihiin wasiirka deegaanka Masoumeh Ebtekar iyo Marzieh Afkham, oo ahayd afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, intaan laga dhigin safiirka Malaysia sannadkii hore. Afkham ayaa ahayd safiirkii ugu horeeyay oo dumar ah.
Laakiin urururada bulshada ayaa sheegaya in Rouhani ay tahay in uu wax badan ka qabto shaqo la’aanta dumarka.
Dumarka Eeraan ayaa sameeyay horumar badan dhinaca waxbarashada tan iyo markii uu dhasahay kacaanka Eeraan 1979, hadda 60% ardayda ka qalan jabisa jaamacadaha ayaa ah dumar. Laakiin shaqooyinka ay helaan ayaa aad u yar.
Tiradii ugu danbaysay ee ay soo saartay Haโyadda u qaabilsan tirakoobka ee 2013 ayaa sheegaysa in 12.4% oo dumar ah oo kaliya ay shaqeeyaan.