Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xafiiskii ku qaabilay Guddoomiyeyaasha saddexda xisbi iyo madaxda Akaadamiyada iyo SONSAF

????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo, oo uu wehelinaayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa qasriga Madaxtooyadda ku qaabiley saddexda hoggaamiye ee axsaabta qaranka oo ay wehelinayaan guddoomiyeyaasha Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland iyo gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee dalka iyo Agaasimaha fulinta. (SONSAF).

Ujeedada kulanka ayaa ahayd in axsaabta qaranka iyo Akaademiga iyo Ururada bulshada rayidka ahi madaxweynaha ku soo celiyaan natiijada shir madaxweynuhu hore ugu soo jeediyey inay inay dibeda kaga soo wada tashadaan goโ€™aanna, ka soo gaadhaan arrinta saami qaybsiga golaha wakiilada ee cakiran.

Guddoomiyaha Akaademiga nabadda iyo horumariinta Maxamed Faarax Xirsi, iyo Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Somaliland Mustafe Sacad Dhinbiil oo uu wehelinayo agaasimaha fulinta ee dalladda, Maxamed Barawaani, ayaa Madaxweynaha u akhriyey saddex qodob oo ay sheegeen in ay isla qaateen saddexda xisbi qaran iyadoo ay dhexdhexaadinayaan akaademiga iyo SONSAF, 27/07/2016, waxay kala ahaayeen:-

  1. In goโ€™aan ka gaadhista saami qaybsiga uu ka dirgan waayey (socon waayey) heshiis ay ka gaadheen saddexda xisbi qaran arrintaasi, sidaas awgeedna au ku celiyaan madaxweynaha oo uu gโ€™aan kama dambays ah ka qaato.
  2. In gโ€™aanka madaxweynuhu ka qaato saami qaybsiga kuraasta golaha wakiiladu yahay lama duraan dhinaca saddexda xisbi.
  3. In Heshiiskaasi kormeerkiisa iyo markhaatigiisaba ay leeyihiin Akaademiga iyo SONSAF.

Markay shirayaan saddexda xisbi qaran, inkastoo aanay heshiis gaadhin, siyaalaha la soo qaaday in lagu qaybsan karo kuraasta golaha wakiilada waxa ka mid ahaa :-

ร˜ย In lagu galo doorashada wakiilada sidii ay goboladu ku galeen sanadkii 2005

ร˜ย In saami qaybsiga kuraasta wakiilada lagu saleeyo tiro koobka gobolada

ร˜ย In si horleh (si cusub) saddexda xisbi qaran wax ugu heshiiyaan imika oo ah si loo qaybsan karo kuraasta golaha wakiilada

Falanqaynta qodobada sare aan ku soo sheegnay ayaa waxay ka dhasheen daraasado ay ku sameeyeen gobolada iyo cod bixiyeyaasha jooga dhinacyada kala ah golaha wakiilada, axsaabta qaranka, akaademiga Nabadda iyo SONSAF, daraasadahaasi oo caddayay in lixda gobol doorasho mid walba uu aaminsan yahay marka la eego saami qaybsiga kuraasta wakiilada, kan ugu dulman, isla markaana ugu dadka badan Somaliland.

Hoggaanka saddexda xisbi qaran oo uu afkooda ku hadlay gudoomiyaha ahna murashaxa xisbiga kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in cid walba ay weji gabax ku tahay in aan 11 Sano oo xildhibaanada golaha wakiiladu fadhiyeen kuraasta aan xal loo helin saami qaybsiga wakiilada eel agama gudbaanka noqotay.

Waxaanu intaa raaciyey in sddexda xisbi qaran hoggaankoodu wakhti xaadirkan ay ka maageen inay heshiis ay ku midaysan yihiin ka qaataan arrintaasi.

Waxa iyaguna kulanka madaxweynaha ka qaybgalay kana hadlay, wasiirada arrimaha gudaha, Mudane Cali Maxamed Warancade iyo madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay gunaanadkii kulankaasi, in uu ka fiirsanayo goโ€™aanka uu ka qaadanayo arrinta saami qaybsiga wakiilada, dhinacyadana uu xidhiidhin doono, una sheegi doono goโ€™aanka kama dambaysta ah ee uu ka qaato arrintaa, waxaana hadalka madaxweynaha ku jiray:

โ€œWaan ka fiirsanaynaa, waanan ka wada socon doonaa, waad ku mahadsan tihiin intaad ka soo qabateen iyo inaad nagu soo celiseenba.โ€ย 

Markii shirku soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran, Akaademiga Nabada iyo SONSAF.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com