Koox baadhitaan oo madax-banaan oo ay dawladdu magacowday ayaa maanta shaaciyey warbixin ka kooban 193 bog ayaa tibaaxdayย in ciidamada Nayjeeriya ay si foolxun u xasuuqeen muslmiin Shiico ah isla markanaa ay khaarajiyeen ugu yaraan 347 qof kuwaas oo xabaalo-wadareedyo lagu aasay.
Muslimiinta la laayey waxa ay taabacsanaayeen dariiqada sheekha caanka ah eeย Ibraahim Zakzaky.
Dilka Muslimiinta shiicada ah ayaa bilaabmay 12 December sannadkii ina dhaafay kadib markii ay isku dhaceen ciidamo Nayjeeriya ka tirsan iyo kooxo Shiico ah oo mudarahaadsanaa.
Warbixintani waxay naxdin iyo af-kala qaad ku noqotay dadweynaha Nayjeeriya oo aan filayn in ciidankoodu ay xasuuq intan leeg u gaysan karaan qaybo ka mid ah dadweynaha reer Nayjeeriya iyada oo lagu beegsanayo waxa ay aaminsan yihiin.
Komishanka warbixinta soo saaray wuxuu xukuumadda Nayjeeriya ugu baaqay in ehelka iyo xigtada dadkii la xasuuqay ay sida ugu dhakhsaha badan u helaan caddaaladda isla markaana si xun loo ciqaabo kuwii ku lug lahaa miisabadan.
Hay’adda xuquuqda aadamaha u doodda ee Amnesty ayaa sheegtay in dhacadan aan lagu tilmaami karin isku dhac mudaharaadeyaal iyo ciidan laakiin lagu sifayn karo xasuuq dadweyne aan dambi gaysan sidaas daraadeedna ay tahay ciqaabta ugu xun la mariyo kuwii ka dambeeyey.
Bandhige@gmail.com