Madaxdweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Abaaraha Somaliland, oo Guddoomiye u yahay Madaxweyn-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”.
War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyadda oo lagu magacaabay Guddigan ayaa waxa uu dhingaa sida tan:
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Guddi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, guddidaas oo uu Guddoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
Xubnaha Guddida Madaxweynuhu Magacaabay.
Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Marwo Samsam Cabdi Aadan
Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah
Dr. Muuse Qaasim Cumar
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami
Ku: Xog-hayaha Golaha Wasiirrada
Mudane Sharmarke Axmed Muxumed
Ku: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga
Muddane Maxamed Shukri Jaamac
Ku: Mudane, Farxaan Liibaan Axmed
Ku: Mudane, Maxamed Cali Maxamed
Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi
Ku: Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed
Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi
Ku: Sheekh, Ciise Maxamuud Cabdillaahi
Ku: Sheekh, Cawil Faatax Shire
Ku: Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi
Ku: Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed
Ku: Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali
Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.
Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan uruurinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana Guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.
ALLAA MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)