Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan Boorama ayaa waxay saaka kormeer ku soo maray goobaha laga wado diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo maanta si rasmi ah uga billaabantay guud ahaan gobalka Awdal.
Weftigan guddoomiyaha oo ay ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabada haweenka iyo dhallinyarta, madaxda heer gobal ee xisbiga Waddani iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.
Ugu horreyna weftigan oo ku guddo jira kormeerkiisa diiwaan-gelinta, ayaa markiiba waxa ay dadweyne aad u tira badan oo isagu jira dhallinyaro, haween iyo arday aad u tira badan ay weftiga guddoomiyaha ku qaabileen soo dhaweyn aad u diiran.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa markiiba salaam diiran la dhex-maray dadka ku jira safafka dhaadheer ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isaga oo ku dhiirinayey qaadashada kaadhka , isla mar ahaantaana ay xaq u lee yihiin in ay qaataan hal kaadh oo qudha sida oo kalena aanay noq-noqonin qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha si aanay u khasaarin cododkoodu. Isagoo la hadlayana waxa uu yidhi:
“Waad ku mahadsan tihiin soo dhaweyntiina, waxaana aan idin kula dardaarmayaa in aan qaadataan kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, idinka oo dhowraya nidaamka isla mar ahaantaana aan ku laba jeer celinayn si aanu innooga khasaarin codka bixinta ee doorashooyinka foodda innagu soo haya.”
Waxaana uu guddoomiye Cirro uu mid mid gudaha ugu galay una booqday goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu, isaga oo horjoogayaasha goobahaasi ka dhagaystay warbixin la xidhiidha qaabka ay u shaqeynayaan iyo waxyaabaha ka cabanayaan haddii ay jiraan, waxaana uu ugu dambeyntii ku guubaabiyey in ay sii laban laabaan una dhabar adaygaan hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan isaga oo ku dhiiriyey in ay mar walba de-dejiyaan bixinta iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.
Guddoomiye Cirro ayaa waxa uu booqday goobaha badan ka yaalla magaalada Boorama.