Waxaynu naqaanay in xoolaha uun la dhufaano, laakiin maanta ragaa ayaa la dhufaanaa.
Barigii waddanka la soo galay ayaan nin qaraabada ah booqan jiray, aniga oo kutub diini ah u gaynayaa si aan dacwada ugu soo xidho, markaan ka dhammaan waayay ayuunbuu maalin af buuxa igu yidhi wallaahi in aanu dadka idinku diri. Maalin kale anoo khayriyada taagan oo ay rabshad ka jirto ayuu nin gaadhi na soo ag joojiyay, ninka waan garanayaa, wuxuu ku dhawaaqayaa laaya waxdada, korbaan u eegay waan yaabay waxaan idhi waar miyaanu ku garanayn.
Horta waxa ninkaa hore iigu hanjabay way dhabawday oo waan arkay, Soomaalidu waxay ku maah maahdaa nin walba sidu yahay ayuu ninka kale moodaa. Anigu faaruq ayaan ahaa dadkana sidaa ayuun baan moodaayay, laakiin waayuhu wuxu I baray in dadka intiisa badan wax lagu shubtay markii la doonana la istaadhayo markii la doonana la fadhiisinaayo.
Alla badan maxaa nin raganimo u dhashay oo qaraabadayda ahaa lagu istaadhay waxma garatada markii dambane isdhiibay oo la dhufaanay, qaarna hunguri lagu dhufaanay oo ay doonayaan in ay ku dhufaanaan kuwii dhufaanay iyaga. Waxaan ku sheegayaa ragga inta badan waa la dhufaanay, barigii hore gaalkii ina gumaystay waddanka guud ahaan ayuu u gumaystay, laakiin maanta qof qof ayaa dadka loo gumaystay, cisaabadan aan ku dawakhay ayaa mid mid u gumaystay dadkii.
Waxaan is waydiiyay cisaabadan ragga sidaa u galaysa cida ka dambaysa iyo xagay ka soo jeedaan, iyo ahdaaftooda, waxaad arkaysaa dhaqaalihii iyaga oo ilwalba gacanta ku dhigaaya, siyaasadii sidaa si leeg, tusaale, Yuhuuda ayaa markii ay reer galbeedka qabsanaayeen saddex illood ayuun bay ka hantiyeen, siyaasadii, dhaqaalihii iyo warbaahintii, hadaba cisaabadu wadaadadii qaar iyaga ah ayaa ka maamulaya daaha dabadiisa, (behind the curtains ), waranlihiina qaar iyaga ah ayaa daaha dabadiisa uga yeedhiyana, (is it coincidence or intentional) ma wax isku beegmaybaa in ay iyagu wadaadada u taliyaan iyo waranlaha mise waa qorshe, is waydii angiu waxaan u arkaa in uu qorshe yahay eh. ninwalba meel ayay ku og yihiin awaamirtooda fulinayaan, haddii ay diintooda ka soo horjeedaba iyo hadii kaleba.
Waar waxaan idiin sheegayaa rag aynu noqono oo aynu cisaabada iska dhicino.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com