Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeeray habsami-u-socodka hawlaha diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ee Gobolka Awdal oo ay si rasmi ah uga bilaabantay maanta.
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbal-xaakimka si ay uga qaybqaataan hawsha qaran ee diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxay kormeer ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta qaadashada kaadhka iyo qiimaynta sida hawshu u socoto ay ku mareen degaannada hoos yimaada degmooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal.
Waxa kaloo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal la xidhiidha kormeerka hawsha bilowga diiwaangelinta uu ku tagay degmada Baki ee Gobolka Awdal, isagoo goobo fagaare ah kala hadlay dadka Baki iyo tuulooyinka hoos yimaada sida Ruqi oo uu ku wacyigeliyey ka qayb-qaadashada diiwaan-gelinta. Waxa kaloo uu la kulmay odayaasha iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa shaqada hirgelinta diiwaan-gelintan lagu qaadanayo kaadhadhka codka ay ku bixin doonaan dadweynuhu doorashooyinka u qorshaysan sannadka dambe 2017.
Guddoomiyaha, ahna Murrashax xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey madal lagaga dhawaaqay bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta Awdal, waxa uu ku hambalyeeyey shacabka Gobolka Awdal bilowga diiwaangelinta oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid taariikh ahi. Waxa kaloo uu uga mahadceliyey dadweynaha reer Boorama martigelinta wufuudda magaalada u jooga arrintan. Isagoo arrintaas ka hadalayana waxa uu yidhi:
“Dhawr goobood oo diiwaangelinta ah baanu soo marnay saaka, waa maalintii u horreysay oo waxay iska leedahay qarboqarbo, kuyuugu wuu dheer yahay, dhallinyarada lagu tababaray hirgelinteeduna tababarkii maanta ayuun bay bilaabeen oo waxay ka sii wanaajin doonaan shaqada berri iyo wixii ka dambeeya. Markii ay nala tahay talo ahaana Komishanka ayaanu hoos ugu sheegi ee makarafoonka ka sheegimayno.”