Wasiirka Warfaafinta oo ugu baaqay Cali Khaliif in uu nabada ka shaqeeyey

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalint CabdiLaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa fariimo iskugu jira digniino iyo dardaaran u diray siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ugu baaqay in uu dhibaatada ka daayo bulshada ku dhaqan buuhoodle.

Sidoo kalena waxa uu wasiirku bulshada reer buuhoodle ugu baaqay in ay ilaashadaan amniga iyo xasilooda buuhoodle .

Wasiir C.laahi Maxamed Daahir Cukuse Waxa uu hadalkiisa ku yidhi:

 “Waxaanu idiinku yeedhnay inaanu ka hadalno,mowqifka xukuumada j.s.l ee Deegaanka Gobolka Buuhoodle oo maalmahan danbe  ay soo noq noqotay hadal hayn ah inuu halkaa ku sugan yahay Cali Khaliif  Galaydh , oo ka wada kacdoono iyo rabshado hor leh Isagoo si guruacan ugu tiraabay inuu halka ka samayn doono dagaalo dhiig ku daato.”

Wasiirka Warfaafintu wuxuu tilmaan ka bixiyey Siyaasadda Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Ku Wajahan Nabad ku wada noolaanshiiyaha Bulshadda isagoo yidhi:

“Siyaasada Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed maxamed Maxmuud Siilaanyo iyo guud ahaanba xukuumada Somaliland ee ku wajahan wada noolanshaha iyo wada daganaanshaha mandaqada geeska africa ee ku wajahan  wada noolanshaha iyo daganaan shaha shacbiga jamhuuriyada somaliland ,gudhiisa waxa ay tahay In shacbiga Jmahuriyada somaliland oo la yaqaano xuduudo sugana leh  ay nabad ku wada noolaadaan ,wax kastana walaalnimo iyo nabad ku qaybsadan ilaahay ka baryimaayo mana jeclin qof kasta iyo koox kasta inay shacbiga somaliland & noloshiisa haday Bari tahay  iyo Haday Galbeed tahayba hadya Buuhodle iyo haday burco tahay ,haday hargaysa tahay iyo haday laascanod tahay midna inay rabshad ka dhex aloosmaan ma jeclin mana doonayno intii awoodayda ahna  waanu ka difaacayna.”.

Wasiirka Warfaafinta waxa kale oo uu iftiimiyey hadalo xasaradaysan oo ka soo yeedhay Cali Khaliif Galaydh isagoo fariina u diray Bulshadda ku dhaqan Gobolka Buuhoodle waxa uu yidhi:

“Shacbiga Buuhoodle waxaanu ugu yeedhayna oo aanu dib u xasuusinayna hadalada xanafta leh ee uu ku hadlayo Cali Khaliif, ee ahaa anigu waxaan u taagnahay dagaal ( Subxaanalaahi ) Isagoo todobaatan jir ah ,inuu maanta ku dhawaaqo oo ku tiraabo inuu dagaal isu taago oo uu dhiig daadiyo aad baan uga xumahay.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

“Waxaan Cali Khaliif xasuusinaya da,di la xasuusin lahaa ma jooge’ee guriga uu Buuhoodle maanta ka degan yahay ubadka guriga hareerihiisa ku cciyaaraya in ay sida ubadkiisa Maraykanka ku nool waxbarasho u baahan yihiin inay sida ubadkiisa maraykanka ku nool biyo iyo caafimaad iyo cuntaba u bahan yahiin ,inay sida ubadkiisa maraykanka ku nool caafimaad iyo daawo-ba u baahan yahiin, may ahayn mana qabato Caruurta guriga aad degen tahay hortiisa tuban ee markaad soo baxdo cadceeda kulul sidaa ku eega in aad ugu yeedho dagaal iyo dhiig daata oo aad mustaqbalkooda ku casuunto dhiig la qubo may ahayn mana qabato, Adiga kuma qabto Cali Khaliif ahaan shacbiga Somaliland ma qabato”.

Wasiir Cukuse isagoo sido kale ka hadlaya xaalada abaareed  ee dalka ka jirta  ayaa wuxuu ugu Caqli celiyay  Cali Khaliif in uu garowsado dhibka shacabka haysta iyo gurmadka loo baahan yahay in qof kasto Muslim ahi maantoo kale ugu gargaaro ummadda masaakinta ee haraadka iyo gaajadu ku haysto meel kasta isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi:

“Waad ogtihiin maanta waxa  jirta xaalad abaarad oo aad u daran Deegaamada dalkeena Bari iyo Galbeedba haba sii kala darnaadaane. Waad ogtahiin oo dhaqan baynu u leenahay inay beeluhu isu guuri jirtay oo beelaha kala degaanka ahi ay isu guurana miciina is bidaan maalintan oo kalana isu ciidmaanoo waa la is caawiya deegaankaa wax la iska siiya baadka iyo biyaha wixii la haysto la wadaaga  nolosha la iska kaaba, Maaha Maalmaha uu Cali Khaliif meesha yimaado (Buuhoodle) inaynu dagaal uun hadal-hayno mana qabto isaga mar kale ayaan ku celinayaaye Dadkana ma qabato”

Sidoo kale Wasiirku wuxuu u Caqli Celiyey Cali Khaliif oo hore ugu baaqay dagaal iyo colaad Wuxuuna hoosta ka xariiqay dhibta ka dhalata dagaal, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dagaalku Ma wacna Nabadaa wanaagsan dagaalku dhiig buu leeyahay, dad baa ku dhinta oo ummadda ayaa ku halaagma,  ubad baa aabahood ku waaya oo ku agoomooba ma wanaagsana waxa wacani waa nabada. Qofku hadduu qof weyn yahay waxaa muhiim ah inuu eego horumarka, rajadda iyo mustaqbalka ubadka yar-yar ee soo koraya waa taas in uu ka fikiraa.”

Wasiir Cukuse Wuxuu intaas ku daray:

“Cali Khaliifoow Buuhoodle markaad joogto Xamar iyo Burco waxaa kuu dhow  Burco, Burco ayay Buuhoodle wax ka dhexeeyaan oo ay tahay in aad heshiiso oo ka shaqayso in ay wax wada qabsadaan inta aad kun kiiloo mitir doolaalo uga imanayso adigoo dhib u wada taasi ma fiicna” .

Wasiirku wuxuu sido kale talo iyo tusaaleba u diray shacabka reer Buuhoodle oo uu ugu baaqay in ay ilaashadan nabaddooda iyo wada dhalashadda ka dhaxaysa waxaanu wasiirku uu yidhi:

“Ehel iyo Xiddid baad tihiin dhawaana waatii  dib heshiisinta iyo islaaaxa colaadeed  la soo  afjaray Insha Allaahuna wixii dhiman waanu dhamaynaynaa ee Illaahay baan idinku dhaariye’ee ka xishooda oo nafihiina u tudha waxaad isugu yeedhaan oo isku waanisaan nabada iyo waxa Illaahay idin faray in aad ilaalisaan”.

Gaba gabadi Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday:

“Cali khaliif anigu eray xun odhan mayno waxaanu xasuusinaynaa wanaagu waxa uu yahay, waxaanu xasuusinayna in Professor Saleeban Axmed Guuleed oo Boorama jooga iyo Axmed Siilaanyo oo ah Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ahiba ay da,adiisa yihiin in ay ka taliyaan nabada, waxbarashadda iyo horumarka dalkooda, Waxaana loo baahan yahay in aad adiguna ku dayato.”

bandhige@gmail.com