Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Xildhibaan Sheekh Khaliif

????????????????????????????????????

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ayaa waxa maanta ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo salaadii Duhur ka dib lagu aasa Xabaalaha Xeedho.

Aaska Marxuumka ayaa ahaa mid heer qaran ah oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan masuuliyiinta Asxaabta qaranka, Golayaasha Qaranka iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Waxaana dhammaan aaska ka hadlay badiba masuuliyiintii kasoo qayb gashay aaska loo sameeyey xildhibaan Sheekh Khaliif waxaanay ka shekeeyeen taariikhda soyaalka ah ee uu lahaa marxunku iyaga oo sidoo kale alle uga baryay inuu alle janadiisa fardawsa ka waraabiyo, Samir iyo imaana ka siiyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay marxuun xildhibaan Sheekh Khaliif Xasan.

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo isna halkaas ka hadlay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii qarbaadii asxaabtii shacabka reer somaliand iy mudanayasha uu ka baxayba isaga oo alle uga baryay inuu alle janada fardawsa ka waaraabiyo Samir iyo imaan saadiqana ka siiyo dhamaan dadkii uu ka baxay.

Marxuun Xildhibaan Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal ayaa isagu kamid ahaa mudanayashii ugu horeeyey ee lagu aasaasay golaha Guurtida Somaliland.

bandhige@gmail.com