Madaxweyne Siilaanyo waxa uu kulan la qaatay masuuliyiinta maamula Maxjarada dalka

Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda iyo masuuliyiinta Maxjaradda ka hawl-gala dalka.

Masuuliyiintan iyo madaxdan waxa horkacaayay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha  Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse”, isagoo warbixin ka siiyay madaxwaynaha ujeedda kulanka ay masuuliyiintani ugu yimaadeen madaxwaynaha,  waxana uu sheegay inay tahay, salaan iyo xog kala qaadasho, madaxwaynuhuna  uu u cadeeyo mawqifka xukumadda ee maxjarada iyo wixii kale ee dardaaran ah ee u soo jeedinayo masuuliyiinta.

Intaa ka dib,waxaa hadalka la wareegay  Madaxwaynaha waxaana uu si kooban u sharxay mawqifka xukuumadda  ee maxjarada, isagoo cadeeyay in maxjaradu yihiin xarumo caafimaad oo loogu  talo galay in lagu daryeelo caafimaadka xoolaha oo ah lafdhabarka dhaqaalaha Dalka, isagoo carabka ku adkeeyay inaan loo baahnayn marnaba in isku eri iyo wax kala jiidasho  ay ku dhacaan maxjaradu, madaxwaynaha oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi;

 “waan idin soo dhawaynayaa, anigoo idinka mahad naqaya kulankan salaanta ah ee aad iigu timaadeen.”

Madaxwaynuhu  waxa uu intaas uga gudbay hadal iskugu jiray  xusuusin iyo amar ku saabsan mawqifka xukumada ee maxjarada dalka waxana uu yidhi:

“waxaan idin xasuusinayaa in mawqifka xukumaddu uu yahay, marka ay joogto  dhinaca maxjarada, in maxjarada lagu dhaqayo  heshiisyadii ay xukumadda la galeen, wasaaradda xanaanada xooluhuna ay ku ilaaliso heshiiskaa, loona baahan yahay in sidoodii loogu dhaqmo, isagoo madaxwaynuhu amraay wasaaradda xanaanada xoolaha in heshiisyadaas sidoodii ay u dhaqan galaan, maxjaraduna ay heshiiskaa ilaaliyaan, dawladduna ay ku ixtiraami doonto.”

Dhinacooda waxaa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta  maxjarada oo uu ka mid ahaa Xaaji Aadan Axmed  Diiriye (Baradho), Calinuur Iyo Axmed  Cali , Cabdilaahi Carab Ismaciil , Yaasiin Xaaji Cabdi Cawad (Indho deero) kuwaasoo uga mahadnaqay Madaxweynaha qaabilaada uu ku qaabilay Xafiiskiisa, isla markaasna balan qaaday inay u hogaansamayaan amarada dawlada iyo heshiisyada u dhexeeya xukumadda iyo maxjarada.

bandhige@gmail.com