Telefishanka CNN oo soo helay halka uu ku dambeeyey Kornayl Tuke

 

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali Tuke oo loo haysto xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha sida gummaad ummadeed, toojar, tuulooyin la gubo, kuwaas oo uu gaystay wakhtigii uu ahaa sarkaalka ee uu xukumayey guutadii deggenayd Gabiley ayaa baxsad dhuumasho ah ku jiray muddo labaatan sanno ku dhaw kadib  markii uu ka fakaday dalka Kanada oo la doonayey in maxkamad lagaga oogo halkaas oo uu iska dhiibay 1991-kii isaga oo qaxooti ah markii ay burburtay dawladdii Siyaad Barre.

Tuke waxa loo haystaa in uu si gaar ah u bar-tilmaameedsaday beesha Isaaq oo ka soo horjeedsatay xukunkii keli-taliye Maxamed Siyaad Barre sannadihii 80-maadkii. Wuxuna ka mid yahay saraakiil tiro badan oo gummaadka beeshaas ka qayb-qaadatay qaarkoodna ay ku nool yihiin Maraykan.

Telefishanka caanka ah ee CNN ayaa soo ogaaday in uu u shaqeeyo shirkadda la yidhaa Master Security una kana shaqeeyo maddaarada Washington ee la yidhaa Metropolitan Washington Airports.

Sida uu weriyey telefishanka CNN dadweynaha Maraykanka ayaa ka yaabay sida ay Kornayl Tuke ugu suurto-gasho in uu muddada intaas le’eg si qarsoodi ah ugu noolaado ugana shaqaysto Maraykanka.

Sidoo kale wuxu telefishanka CNN wax lala yaabo ku tilmaamay in shirkaddaa Master Security  ay ogaan kari wayday dambiilenimada Kornayl Tuke.

Kornayl Tuke

Shirkadda Master Security ayaa maanta ku dhawaaqday in ay shaqadii ka joojisay Kornayl Tuke kadib markii ay ku war heshay warbixinta CNN.

Agaasimaha Guud ee shirkadda  Master Security, Rick Cucina, ayaa tibaaxay in aanay shirkaddiisu ka warqabin taariikhdii hore ee Kornayl Tuke haatana ay arrinkiisa baadhitaan degdeg ah ku bilawday.

Haweenay madax ka ah xarunta xuquuqal-insaanka ee Justice and Accountability Center ayaa xad-gudubyada Kornayl Tuke ku kacay ku tilmaantay qaar aan la dhaafi karin isla markaana mudan in lagu maxkamadeeyo.

CNN ayaa Tuke ku booqatay guri uu deggan yahay oo ku yaalla duleedka Washington waxana lala boobay su’aalo iyadoo ay la socotay xaaskiisa oo ah ta u suurto-gelisay in uu Maraykan qaxootinimo ku soo dagay. Hase ahaatee Tuke wuu diiday in uu wax war ah bixiyo isaga oo aanu qareenkiisu la joogin.

Dhawaan ayay ahayd markii Maxkamad Maraykan ahi ku heshay gabood-fallo bani’aadanimada ka baxsan Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Soomaaliya Jeneraal Maxamed Cali Samatar kuna ridday xukun aan ka noqod lahayn.

Xigasho: warbixinta CNN

Bandhige@gmail.com