Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo shalay safar ugu ambabaxay dalka Turkiga ayaa waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
- In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
- In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
- In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
- In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.
- In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.
- In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.
- In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.