Faransiiska: ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay gaadhi galay xarunta dabaal-deg ka socday

Gaadhi nooc xamuula qaada ayaa waxa uu galay xarun ay isku soo baxeen munaasibada dabaaal-dega maalinta Bastille Day oo guud ahaan laga xuso dalka Faransiiska.

Dhimashada ayaa waxay gaadhaysaa in ka badan 80 qof, in ku dhow 100 qof waana waa dhaawac. Dabaal dega ayaa waxa la qabtaa 14-ka Juulay sannadkasta.

Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee Faransiiska, ayaa sheegtay in wadihii gaadhiga ay booliisku toogteen oo ay dileen.

Madaxweynaha Faransiiska, ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid argagixiso. Waxa uu sheegay in Faransiisku ay ahaan doonto mid xooggan.

bandhige@gmail.com