Faysal Cali waxa uu ka digay ololaha xisbiyadu ay dhex wadaan diwaangelinta codbixiyaha, dhalliilna dusha uga saaray wasiiradda Ceerigaabo

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka digay in hawsha Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha laga dhigo mid olole ah, waxaana uu axsaabta qaarkood ku eedeeyey in ay olole aan xilligiisii la gaadhin ku hawlan yihiin.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlay daah-furka diiwaangelinta gobolka Sagaan, ayaa soo jeediyey in laga digtoonaado isu soo baxyada axsaabta qaarkood ka wadaan deegaanada diiwaangelintu ka bilaabmayso, isagoo si dadbanna isu soo baxyadaas ugu duur xulay xisbiga Waddani, waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya:

“Xisbiyada waxan leeyahay qabqabta iyo fardo iigu soo baxada joojiya, waa la isu yaalaa, maalinta foodkaana la kala bixi doonaaye, shalay baad dhalatee waa la shubi jirey.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata madashii uu hadalka ka jeedinayey si aan toos ahayn u sheegay in uu musharrax yahay, waxaana uu reer Sanaag kula dardaarmay in ay doorkan foodkooda siiyaan, waxaana uu yidhi:

“Doorkan reer Ceerigaabo-ow foodka waan idiinka fadhiyaa, haddaan musharrax noqdana waxaan filayaa in aad xishoon doontaan oo aydaan odayga doorkii saddexaad ridi doonin.”

Faysal Cali-waraabe waxa uu sidoo kale madasha ka sheegay farriin adag oo ku socotay, isla-markaana lagu canaanayey wasiirrada gobolka Sanaag kasoo jeeda, taas oo uu sheegay inay u soo dhiibtay haweenay gobolkaas kasoo jeedaa, waxaanu yidhi:

“Gabadh reer Ceerigaabo ah oo aan Hargeysa ku arkay, ayaa igu tidhi wasiir Cadami iyo Wasiir Caddaani waxad ku tidhaahdaa isku xishooda, waayo Ceerigaabo ayey Cisbitaal ka weyday, waxana aan hubaa haddii afartiina beelood ee reer Ceerigaabo aad midaysnaan lahaydeen inaad hablaha ciidagale ee Gaaroodi cisbitaalka ka sameeyey aad ka awood badnaan lahaydeen.”

Hadalka guddoomiye Faysal ee la xidhiidha in uu musharrax ka yahay xisbigiisa, ayaa dareen ka dhaliyey guud ahaanba Somaliland, waxaana xubnaha uu si gaar ah warwar iyo walbahaar ugu riday xubnaha kasoo jeeda garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen oo iyagu diidan in uu Faysal markale saaxadda musharraxnimada kusoo laabto.

Xigasho Hubaal Media.

bandhige@gmail.com