Ma salguuro caashaqee
Ani sibiq ma igu galey
Intuu samada ila tagey
Saxa-qaadka fooraha
Sul sabe ma igu yidhi
Dhalanteed ma igu sabey
Soojeede maqanoon
Seexaneyn ma iga dhigey
Hooyo: Khaliif Cumar Magool [ AHUN]
Sumadda magaceed ee ruux loo bixiyo, wuxuu qiimo yeesha marka ay is-shabbahaan ruuxa iyo magaca ku ladhan. Weedha ‘Sahra’ waxey ka soo jeeddaa luqadda af-carabiga, se waxa nasiib yeesha ruuxa loogu wanqalo magacaa quruxda badan. Sahra af-soomaali waxey la micno tahay “ Ubax”. Sida dadyowga dunida ka siman yihiin, dhammaan gabayada “Poets”-ku waxey si wada jir ah isu-si-eekeysiyaan labo shey oo kala duwan; sida bini’aadam iyo geed. Geedku bini’aadamka miyuu ka qiimo badan yahay? waa maya.! …Ula jeeddadu waxey tahay in quruxda iyo bilicda geedku leeyahay ay is-shabbahaan bini’aadamka. Sidoo kalena naxwaha Af-Carabiga waxaa kujiraa nooc loo yaqaan: “Al-Shubbahaat”.
Sahra waa addoonad Eebbe qurux iyo heybad u dhammeeyay, afar iyo tobankii sifo ee hablaha lagu xulan jirey na buuxisey; ahna inan madax-bannaan[ =aan la guursan]. Anniga iyo Sahra waxaan ku kulaney baabuurta u kala baxda Jigjiga iyo Wajaale muddo Sannado laga joogo. Masaafadda ay Jigjiga iyo Wajaale isu jiraanna qiyaastii waa 70Km. Waxaanu ka baxney magaaladeed ganacsiga Wajaale, si aanu u aadno caasimadda is-maamul gobolleedka Soomaalida ee Jigjiga.
Waxaan fadhiya baska xaggiisa dambe, waxaa ii furneyd daaqadda gaadhiga, roob iyo naxariis neecaw qabo watana ay hadba daaqadda iiga soo gelayso. Xawaaraha baaburkuna aad ayuu u sarreeyay. Kaaga darran e’ waxaan jooga dunida dhulka iyo dunida Cirka, dareenkey guna wuxuu marayaa halkii ugu wanaagsaneyd. Socdaalkii ayaannu weli ku gudo jirnaa, nasiib-darro waxaa naga jabey gaadhigii aanu saarneyn. Waa la dhaadhacey si loo hagaajiyo baabuurka. Badh kamid ah dadkii gaadhiga saarnaa wey ka deggeen.
Waxaan damcey inaan gaadhiga ka deggo, waxaa se isaaqey udgoon kan ubaxa oo kale ah, sanka ayaan la raacey, se haddana waxaan maqley cod ku soconaya joog hoose oo u muuqdo cod gabadheed, oo leh “ ka beydh aan ku dhaafo e’ ” dhagaha ayaan la sii raacey. Waan se jalleecey halka codku kasoo baxayo, lama filaan, waxa dhugashadu halleeshey, inan/gabadh ka sii degeysa baabuurka. Annigu weli waxaan dhex taaganahey gaadhiga dhexdiisa, waxaan kale oo xannibey dadkii rabey iney baaburka ka degaan, dad baa se i riixayaa oo leh: “ Waar de naga soco, qofkan maxaa helay?”.
Annigu se waxaan ahey sidii ruux irbad suuxiso ah lagu durey, indhihii caad baa iga korey, jidhkeygina tallaagad baa la dhex-dhigey, awooddii aan ku soconayey na wey idlaatey, lugta qaad baan is-idhaah, se ha sheegin, ta kale ruji baan is-idhaah, se ha sheegin. Waar “Maxaa ku helay, miyaad xanuunsaneysaa baa dabadey da laga leeyahay”?! waa isla doorasho ilaah, sameecadda baabuurka waxaa ka guuxeysa heesti fannanada codka tolmooneyd ee khadra Daahir Cige ku luqeyn jirtey> Awood baan jirin Xaggey goo, afkiiba juuqda gabey.!
Dabeyshii dabka sidey Eebbe wuu iga yar jarey, ilaa weli annigu waxaan la yaabbannahey waxa i helay.! Dhulka ayaan fadhiistey, dadkiina xannibaadi waan ka qaadey, mar labaad baan gadaal jalleecey, iftiin iyo nuur ka malaa’igta oo kale ah ayaa indhaha iga qabtey, qof baa se i hortaagan oo igu leh: “asalaama Callaykum Huunno, jigjiga intee ayaa inooga hadhey?”. Mar labaad baa hadalkii ley gu celiyey: “ Huunno qaali, jigjiga ma u soo dhownahey”. Codkan baxaya ayaa weli dhahey ga sii culaya, waan sii muudsanaya sida malabka, anniga ayaa se cajaladda hadba dib-u-soo ceshaya; “ Huunno, jigjiga intee inooga hadhey”.
Waxaan se dareemey inuu qof ila hadlayo, jawaab baan is-idhaa, waxaan ku haddaaqey ‘Een…een…een…jigjiga…jigjiga” shib!. Yaah walaal…Maxaa tiri? Inantii halkeer bey yaabban tahay. Miyuu xanuunsanayaa, miyuu is-yeel-yeelayaa wiilku. Si alle u daa…Weyse iska tagtey, Alla ayaa u sheegayaa inay korontadii ba iga tagtey. Wey iga tagtey inantii ayadoo fajac iyo amakaag san. Baskii ayaa lagu noqdey oo la hagaajiyey. Ruuxi ugu dambeeyey ee gaadhiga soo kora ayaan ahaa, qofkastaa halkii uu fadhiyey ma uu fadhiisan, oo midkasta halkii badhidiisu gaadhey buu kambadhuudhsadey. Waan daalaacaa dhacayaa annigu, meel aan fadhiistana waan la’ayahay, qof baa se xagga dambe ee kursiga gaadhiga iiga gacan haadinayaa, anniga sawir bey ila yihiin dadka meesha fadhiya oo dhami. Markale ayuu habaar qabihii gaadhiga wadey ku riixey codkii fannaanadi xurmada badneyd ee Hibo Maxamed, miyaaney intey iskala jiidin odhan > “ waadigan liitee, leexadu ku sidatee, hadba laan cuskanayee, Maxaa lurey naftaadi?”! Markale baa Cumar dhuule codkiisa igu soo duulley, meel uu kasoo baxey bal garo: ‘Caku talo adduunyooy, cashadii noolba aadmigu, waxbuu ku cibro qaata’.
Hadda ayuu miyirki igu soo noqdey, kursigii inanta ku xigey baan fadhiistey. Asalaama Callaykum walaal..baa si taxaddar la’aan ah dhuunteyda uga soo baxdey. Lagaa qaad baa leygu jawaabey. Magacaygu waa ‘Sahra’, barasho wacan walaal baa ley sii raaciyey. Annigana ‘Cabdixakiim’, mid lamid ah walaal Sahra. Waxaan warsadey xaggey usocoto? Kuteh; walaal annigu jabbuuti baan u socdaa, halkaas baan degganahey. Barasho kaddib, waxaa la gaadhey meeshii aannu usoconey oo aheyd Jigjiga. Buuq baa dhashey markii baabuurka la ga daadageyey, qofba shandaddiisi iyo wuxuu sitey ayuu raadsadey.
Kaddib cinwaanka laga heli karayey bey ii qortey Sahri. Anna keyga ayaan ku taabtey. Annigu waxaan dareemayay xanuun lafta ah, sidii qof budh lala dhadhacey, ama buur laga soo tuurey oo dhulka ku dhacey oo dhagax dhadhaab ah feedhaha iyo madaxa ku hirdiyey baa ley mooddaa. Sahra maalintaas baa iigu horreysey araggeeda, muuqeeedi baa leygu imtixaamey, oo waxaa igu adkaatey inaan arki waayo muddo sannado ah[ Welina baadi-goob baan kujiraa]. Hadba waxaan soo xusuus goconayaa; gacantii hilibku ku wadhnaayeen, dhoola caddeyntii cajiibka aheyd, kalmadihii naxariistu ku ladhnaayeen—ee afkeeda ka soo burqanayey, indhihii ashqaraarta lahaa, iyo socodkeedi miisaamnaa.
Waxaan Sahra ka codsadey inaan habeen dambe kulano saacaddu markey tahay 7:30 fiidnimo, caawana iska nasanno, ilaa maanta ayaan safar ku jirnaye. Habeen kii balanta ayaa la gaadhey, goobti balanta ayaan fiidkii aadey. Inbadan..badan.. ayaan sugey, nasiib xumo cidi iimey iman, xilli dambena wey noqtey. Waan soo carraabey, kuna soo laabtey hoteelkaan magaalada ka degenaa, annigoo cago-jiidaya. Dukaan ku agyaal hoteelka ayaan is-idhi biyo ka ibso, inkaar qabihii dukaanka heystey annigoo rabshadeysnaa buu Ahmed rabsho ii saarey. Imtixaan illeyn waa kan oo kale… Miyaanu odhan: >
Waa ley addimey, axaddii sidaan kuu eegayee,
Araggeeda taan ku ildoogsadaay
Ma ilowsan tahay,
Axdigaad martiyo,
Meeshaad itiri waan imanayaa…
Habeenkaa hurdo waanu kala tagnay….Waagii baa baryay. Safar kale baan u xidh-xidhey, oo ilaa Addis ababa ah. Muddo sannad ah baa kasoo wareegtey barashadii na dhexmartey anniga iyo Sahra. Waxaan aqoonsadey inaan jeclaadey ‘Sahra’, niyadeydana ay raad ku yeelatey –muuqaalkeedi iyo qosolkeedi dhoola-caddeynta badnaa. Muddadaas baa rajo iyo naawil baan ku noolaa..Laabta waxaan ku qaboojin jirey Heestii fannaanada codka saafiga la heyd ee—Maamo Khadro Daahir Cige: “ Nafta waxaan ku sasabaa, ku seexshaa habeenkii, sawirkaaga weeyo, soo sudhan nafteydee..”
Shimbiraha ayaan canaantaa, oo aan idhaahdaa, sidii Magool : >
Shimbiryahaw ma dhuushaa,
ma dabeylo raacdaa,
dadka ma u adeegtaa,
oo ma u dadaashaa.
Dalanbaabi baan ahay,
dalaa dhacaayo,
kala qaad dibnahaa,
oo dal yaqaan matahay,
degmadii fogaatiyo,
meeshi laguu diro,
dawgeed ma garataa.
Annigoo kujira hurdo baa Cumar Dhuule daf isoo yidhi: “ Nin haween jeclaadey, hawl iyo dhibaatiyo, waayi mayo hadimo”.Waxyar kaddib baa farriini kusoo dhacdey aaladdey da gacanta[=Mobile], waxaana ku qorneyd sidatan: “ Waa sahra oo joogta waddanka jabbuuti, raadceyn badan kaddib, waxaan ku guuleystey , in aan telefoonkaaga soo helo, hadh iyo habeen indho ismaan gelin, wanaaggii iyo jaceylkii iyo barashadii cuddooneyd ee ina dhexmarey baan hadba soo xasuusanaya, qalbigey gu wuxuu soo jiraa halkaad iga xigto, waxaan kaa codsanayaa inaad isoo wacdo”. Nin kar kutaagan yahay baan ahey ileyn e’, waan wacey, cod suubbaan baa sanqada i cararey, waan se ku saxdey..ix..ix..ix.. farxad baan muraara dillaacey, habsii baan is-idhaa..Mise ilama joogto. Sahra waxaan ku ballaney inaan ku kulanno magaalada Diri-dhaba, gaar ahaan Hoteelka “Dayax-gacmeed”.
Subaxii kuxigey ba waxaan u socdaaley Diri-dhaba, halkii baan ku kulaney, hab baan laabta leysiiyey, sidii caadada ii aheyd baan cirka iyo dhulka u boqooley. Ilmaa indhahey ga ka tifiqleysey, se iyadaa iga daran, oo sidii ruux geeri ku dhacdey bey iga ag-barooratey, waxaanu tagney hoteelka ‘Dayax-gacmeed’ halkaas baan cunto iyo cabbitaan qabow iyo macaan ba leh caloosha ku tiiriney [ Cunto anniga igama dageyso, arageeda baan u oon qabaa, iyada ayaan daawanayaa]. Waayahaygi murugsanaa baan ku dhurey, oo calaacal iyo jamasho jaceyl isugu jira. Maskax badnida sahra waa mid i dareen dhaqaajisey, inta la dhoola-caddeyey baa indho naxariis leh leygu eegey, markaas baa haddana gacanta ley qabtey baa sawd suubban leygu yidhi: Dhuxushaad ku joogtiyo, dhamacdii dareeme.
Mobile keedi gacantaa ayaa la soo wacey, se Kinsi Xaaji Aaden baa codkeedi ka soo boodey:
Dhiigiyo kalgacalkii,
Ee xidida dhameystira,
Afka lagama dhawre,
Ma ogtahay dharaarahan,
Markaan dhaban u seexdaba,
inaan kugu dhadhabayoo,
Dhabteydaa kaa dayo,
Haddii aad dhab doon tahay,
Amba kuguma dhaafeen,
Hawlaha dhankeygee,
Dhinacaaga ila qabo.
Sahra waxey iga codsatey in aan kasoo doono qoyskooda sida ugu dhakhsaha badan. Qalinkaan kujiidey anna, waxaa qalbigey ga ka dhex guuxaya midhihii iyo laxankii Salaad Darbi ku luqeyn jirey> Jaceyl nimow dilaayo kala daadsan baan ahee. Markale waxaa igu soo dhacdey maansadii uu abwaanka da’a yar ee Nageeye Cali Khaliif ku lahaa:
Haddii aan ku guursado
Kuma goyso lacagtuye
Geel iyo Gammaankiyo
Gacalkaaga sin laa!
Sahra jabbuuti bey ku noqotey, waxaa se loo diyaarey in lagu daro nin uu aabbaheed u ballan-qaadey. Dhalalow…iyo cod oohin iyo ciil iyo murugo kowsadey baan sahra ka maqley, kaaga darran e’ codkeeduba soo dhaafi mayo dhuunta..aa..aa…waxa….aa….hiq..hiq..hiq.. waxey ii sheegtey in la guursadey, khasab na lagaga dhigey iney raacdo ninka aabbaheed siiyey. Naxdintii dunida, waan se dareemey in xaajadu cakkiran tahay. Talaa igu caddaatey, jabbuuti ma ubaxdaa, mise…Maxaad qaban kareysaa..!! xaaladdii Aamina Cabdillaahi markey laheyd > Webi baa ila sara tagey, wadaddiina ka ambadey—tu lamid ah baan dareemey.
Jihadii iyo jawigiiba ba wey iga lumeen, sidii wax waalan baa dariiqa meeraaleystey. Go’aan ragganimo ku dheehan tahay baan qaatey, miyaanu Maxamed Mooge [ ilaahey ha unaxariisto] odhan: Ilaahii joogey baa jira. Markale miyaanu odhan: jaceyl kuna nimcuu kuu jiheeya, ama se laamo kula jabaan.
Sahra waa la guursadey, weyna aqal gashey, ubad na wey isu dhaleen iyada seygeedi sharfanaa.. Anniga se muddadaas ba ilaah baa xaalkey ga ogaa, anfacadii iyo ceeshkiiba waan ka soomey. Muddo sanado ah kaddib, mar labaad Sahra ayaa isoo wacdey, waxaanu ku ballaney Diri-dhaba [ isla hoteelki Hoyga calafka iyo kulanka ee ‘Dayax-gacmeed’].
Waxey ii sheegtey iney ninkii qabey kala tageen, labo carruur ahna heysato, welina ay niyadda igu heyso anniga, haddana ay madax-bannaantey. Alla jidhidhico weynaa….Boqorkii jaceylka ee ‘Maxamed Mooge’ miyaanu ku heesin: Talana jeerin bey gashoo, jeegaan baan is-daawanaa, iyadoo jilaalku helay. Markalena miyuu odhan: Maxey jidhidhico daweyn. Go’aanku waa mar e’ waxaan u guntadey sidii ay Sahra unoqon laheyd marwadey da xalaasha ah. Ugu dambeyn “Xariirti jannada/Sahra” waanu aqal galney, arooska iyo meherkuna wuxuu ka dhacey hoteelkii ‘Dayax-gacmeed’ ee ‘Diri-dhaba’ ku yiiley.
Ubad qurxoon ayay sahri ii dhashey. Waxaanu hadda kujirnaa noloshii adduunka ugu qaalisaneyd, dhiigey gu dhiigeeda buu dhex socdaa, waxey dooneysa iyo waxey diidday saba iyadoo ii tibaaxin baan dareema. Hal habeen is-dagaal iyo buuq ma dhicin, jaceylkuna dhabtayada ayuu yaalla, waxey na igu seexisaa habeenkii luuqdi Hooyo Magool oo kale: “Sida aad dhallaan tahay, oo aan kuu dhaley, dadka kaa dhaweystii, dhinacyada wadnaha iyo dhuuntuu kalagaclku yaalla, dhamow iga yaala, dhabtuu jaceylku yaalla”.
Sheekadan waa mid ku dhisan male-awaal, iyo khiyaali laakin koobsaneysa falsafad mudan inaad akhriste ahaan fahamto..
Mahadsanid
W.Q: Cabdixakiim Cabdillaahi Aaden
Face book: Cabdixakiim-Tiyari
Email: Abdi.177@hotmail.com
Addis Ababa, Itoobiya