War degdeg ah: Inqilaab milatari oo hadda ka socda Turkiga

 

Militariga Turkiga ayaa u muuqda in ay gacanta ku hayaan hawlgal ay doonayaan in ay ku inqilaabaan dalka Turkiga. Taliyeyaasha milatariga qaarkood ayaa sheegay in ay xukunkii ka wareejiyeen Madaxweyne Rajab Dayib Ordogan, hase ahaatee Ra’iisal-Wasaaraha Turkiga ayaa laga soo wariyey in uu sheegay in isku daygan ay samayaan koox kooban oo ka tirsan milatariga Turkiga kuwaas oo ku shaqaynaya amaawiir aanay dawladdu ka war hayn.

“Ma qabali doono wax kasta oo ka dhan ah dimuqraadiyadda Turkiga” ayuu yidhi Ra’iisal-Wasaaraha Turkigu.

Madaxweyne Ordogan ayaan la ogayn meel xaaladdiisu waxa ay hadda tahay isaga oo fasax u joogay meel ka baxsan magaalada madaxda Turkiga. Wax hadal ahna lagama maqal intii ay milatarigu hawlgalkan wadeen. Milatariga qaarkood ayaa ku doodaya in ay xidheen Madaxweynihii dalkaas, Ra’iisal-Wasaarihii dalkaasna ay dhakhso gacanta ku dhigayaan.

Diyaarado ku duulaya joog yoose ayaa dul maraya Istanbuul iyo  Ankara oo ah labada magaalo ee ugu waaweyn Turkiga. Ciidan ayaa la soo dhigay goobaha biriishyada iyo meelaha ugu muhiimsan magaalada, waxana la maqlayaa sanqadha rasaas faro-babdan oo dhacaysa. Waxa sidoo kale hadda la bakhtiiyey warbaahinta bulshada sida Facebook-ga iyo Twitter-ka, sidoo kale waxa la werinayaa in ciidan milatari ahi la wareegeen warbaahintii dawladda.

Militariga Turkiga ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay dalka ku soo rogeen waxa la yidhaa “Marshal Law” oo macnaheedu tahay in ciidanku ay taladii la wareegeen isla markaana ay meeesha ka saareen awoodihii dhammaan qaybihii kala duwanaa ee dawladda iyo ku-dhaqankii  dastuurka.

Weli xaaladda Turkiga ahaa ah mid khalkhalsan, lamana kala hubo in inqilaabku fashilmay iyo in uu guulaystay. Sidoo kale lama oga cidda haatan gacanta ku haysa xukunka Turkiga. Email ay soo direen milatariga Turkiga ayaa laga sii daayey telefishanka Turkiga kaas oo ay ku sheegeen in ay ilaalinayaan dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadamaha isla markaana ay ku caddeeyeen in ay gacanta ku dhigeen xukunkii Turkiga, halka Ra’iisal-Wasaaraha Turkigu ka sheegay in ciddii falkaas ku kacday ay bixin doonto qiimaha ay ku kacday, inqilaabkiina yahay mid fashilmay, awooddiina ay hadda iyagu gacanta ku hayaan.

Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in aanu xog dhammaystiran ka hayn wax ka socda Turkiga laakiin uu dalkaas u rajaynayo nabadgelyo iyo degenaansho.

Haddii uu mudaharaadkani sidaas ku hir galo wuxu la mid noqon doonaa kii Masar ka dhacay ee ay xukunka kula wareegeen milatariga dalkaas. Nabadgalyada dalka Turkiga ayaa beryahan khalkhal galaysay kadib markii ISIS ay weeraro fara badan ka fulisay dalkaas kuwaas oo u muuqda in ay dad faro badani ku dhintee isla markaana loo arko in ay dadwladdu awood u yeelan kari wayday ay ku joojiso.

Bandhige@gmail.com