Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xafiisa ku qaabilay safiirka Somaliland/Somalia ee Masar

Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilaanyo” waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socday dalka Masar oo uu hoggaaminayo Amb Walid Maxamed Ismaaciil, oo booqasho ku joogay dalka maalmahanba
Kulanka waxa Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiiradda Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah Eng Xuseen Aadan Cige “Deyr”, Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Jirde “Cali Shoonbe”, Caafimadka Dr Saleebaan Ciise Axmed “Xaglatoosiye” Amb Baashe Cawil Cumar, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada, Khadar Cali Gaas.

Kulanka ka dib waxa saxaafada warbixin ka siiyey Wasiiradda ganacsiga, iyo Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Safiirka Masar u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

bandhige@gmail.com