Wasiirka Madaxtooyadda ka biyo diiday hadalkii ka soo yeeshay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ee midowga Soomaaliya

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dadka Somaliland aanay cadaawad iyo cuqad midna u qabin walaalahooda Soomaaliya.

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalen sheegin in Soomaali-nimadu aanay ahayn Qaran la wadaago balse ay tahay Qoomiyad iyo af ka dhaxeeya bulsho qaran dalal kala duwan leh.

Maxamuud Xaashi ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay khubad garnaqsi ah oo uu u ka jeediyey casuumad uu xalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo u sameeyey waftigii ka socday Soomaaliya ee siday qaadhaankii abaaraha oo xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda. Waxaana hadalkii wasiirku ka mid ahaa:

“Farxad wayn ayey noo tahay inaynu caawa ( Xalay) halkan Qasrigii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland idinku soo dhawayno waftigiinan qiimaha leh waa walaaladayo ee ka yimid dalka Soomaaliya, si niyad iyo qalbi furan ayaanu idiin soo dhawaynaynaa mar labaad waxaanu idiinka mahad naqaynaa taageerada iyo dareenka xaaladii iyo duruuftii adkayd ee abaaraha Somaliland ku habsaday ee ILAHAY keenay aad kaga jawaabteen iyo gurmadka aad noo soo fidiseen, waxaanu leenahay ILAHAY ha idinka abaal mariyo idinka iyo dadkii qaadhaankaa iyo taakuladaa aad wadeen bixiyey ee jeebabkooda ka soo saaray. Walaalayaal dad muslimiin ah ayeynu nahay xuquuq badan ayeynu isku leenahay,waxa aynu nahay dad wax badani ay ka dhaxeeyaan, waxa aynu nahay dad dareen badan wadaaga, dadka maslimiinta ahina way is caawiyaan. Shalay duruufihii halkaa ka dhacay idinkama aanu maqanayn, maanta markii halkan wax ka dhaceen nagama maqnidin, waxa aynu nahay dad xuquuq badan isku leh, waxa aynu nahay dad dareen kale wadaaga, dad Soomaaliyeed aynu nahay, Soomaali-nimada cuqdad kama qabo walaalayaal, Soomaali-nimaduna maaha wax salka ku haysa siyaasad, dan la wadaago iyo dawlad la wada yeesho, waa wax ka gun wayn, Soomaali-nimadu waa Qoomiyad, Isir iyo Af lagu hadlo.”

Isagoo wasiirku sii wata waxa uu yidhi:

“Dadka Jabuuti ku nooli waa Soomaali dadka Itoobiya Kililkeeda Shanaad ku nooli waa Soomaali, anaguna Soomaali ayaanu nahay cuqdadna kama qabo Soomaali-nimada, dadka NFD Kiiniya ku nooli-na waa Soomaali. markaa dareen Soomaalinimo waa wax jira, haddii Soomaaliyi wax la kala tagtay oo Qaran Soomaaliyeed jiray Shan iyo labaatan sanadood ka hor aynu dal ahayn isku dawlad ah, isku xuduud ah, dhibaato baddani Soomaali dhex martay oo aynu kala tashanay oo wax gaara aanu samasyanay macnaheedu maaha Nacayb cuqdad iyo colaadi inay na gashay, laakiin dan ayaanu bidanay waxaa aanu maanta ititibsanay, ee aad noogu timaadeen ceebana maaha Walaalyaal dad Soomaaliyeed oo far badan ayaa ku nool Somaliland iyo caasimada Hargeysa, ku nool Boorama, ku nool Burco, lama isir soco, la haybsado, ganacsi iyo dhaqaale ayey ku leeyihiin, dad badan ayaana Addis-Ababa iyo Nairobi ka soo guuray, oo halkan u soo guuray oo soo door biday.”

Ugu dambayntii Wasiirka Madaxtooyadda ayaa waxa uu dalka Soomaaliya ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadooda iyo walaal-nimadooda waxaanu yidhi:

“Waxa weeye walaal way noo kala suntan tahay, waxaanu nahay bulsho bisil oo dhib badan soo martay, markaa walaalayaal halkan colaad iyo ciil qab midna ma yaalo, dad walaalo ah ayenu nahay laakiin waynu kala tashanay, caawa halkan siyaasad ku furi mayno waxa nuxurku yahay inaanu idin soo dhawayno, idin sii sagootino idiina mahad naqno, anaguna sidaas aad noo bogaadiseen in Dawladda Soomaaliya, iyo dadka Soomaaliya ee halkaas ku nool aanu idiinku dardaaraynaa inaad midowdaan inaa wax yeelataan, inaa Nabad adkaysaan, isku duubnaantaan, inaad cida nabadiina ka soo horjeeda inaad dhinac ka noqotaan, anagana Wanaagiinu waa noo wanaag, kama xumin wanaaga dadka Soomaaliya ee walaaladayo ah, dhibta halkaas ka dhacdaa anaga way na saamaynaysaa.”

Weftigan ka socda dawladda Soomaaliya waxay farta ku godeen oo ay Somaliland ku amaaneen midowgii lixdankii kaasi oo Somaliland haatan ku dhowaaqday in ay la soo noqotay dawladnimadoodi luntay lixdankii.

Halkan hoose muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com