“Madaxweynuhu Siyaasadda Wuu Ku Hafiyay Xisbiyada Mucaaradka” Siyaasi Ismaaciil Buubaa

Siyaasi Ismaacil Hure Buubaa ayaa sheegay in madaxweyne Biixi oo taariikh ahaan ah nin milatari ah uu siyaasada ku hafiyay asxaabta mucaaradka ah, isla markaasna uu haatan galay dib u gurasho xeelad dagaal.

Muuqaal kooban oo laga sii daayay waraysi dheer oo tilifishanka Universal uu ka qaaday siyaasi Ismaacil Buubaa waxa uu ku yidhi “ Muuse hada waa nin siyaasi ah laakiin taariikhdiisu waa milatari  waxaan u arkaa dib u gurasho xeelad dagaal, taatiko, runtiina waa uu ku hafiyay asxaabtii.”

Ismaacil Buubaa ayaa sida oo kale madaxweyne Biixi ku dhaliilay inuu xisbi madax ka yahay isaga oo ah madaxweynii qaranka “ Badi dawladaha kale  xisbiga ninka ka madaxda ah marka uu madaxweyne noqdo ileen xisbiga waa uu ka baxsan yahay oo dadka oo dhan ayuu madaxweyne u yahaye oo xisbigii doorashada laga helay isaga ayaa u madaxweyne ah, marka la yidhaahdo madaxweynuu waa guddoomiyaha xisbiga  waa nidaamkii shuuciga.”

Xigasho: Geeska Afrika