Maraykanku wuxu weerar cirka ah ku dilay siddeed ka tirsan booliska Afgaanistaan

 

Maasiibo aan ku-talo-gal ahayn ayaa dhacday kadib  markii xalay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku ay dileen 8 askari oo ka tirsan bilayska Afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay ciidanka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in shilkaasi ahaa kugu dhimay oo kaa dhimay  ama waxa afka qalaad lagu yidhaa “friendly fire” uuna dhacay mar ay iska difaacayeen maleeshiyo Daalibaan ah oo weerar ku soo qaadday ciidan isugu jira Afgaanistaaniyiin iyo Maraykan.

Afhayeenka oo magaciisa la yidhaa Jeneraal Charles Cleveland ayaa sheegay in la baadhayo sifadii khaladkaasi ku dhacay laakiin waxa kaliya uu hubaa ay tahay in diyaaradaha Maraykanku ay difaac kula jireen weerar uga imanayey Daalibaaniyiin mintid ah kuwaas oo damacsanaa in ay burbur u gaystaan ciidan Afgaanistaaniyiin u badan oo goobta shilku ka dhacah ka ag dhawaa.

Xukuumadda Afgaanistaan weli kama soo bixin warbixin xogtan ku saabsan.

BANDHIGE NEWS