Angela Marker oo qiratay in ay ku khaldantay go’aankii ay qaxootiga ku oggolaatay kadib markii lagaga adkaaday doorashada magaalo-madaxda

 

Waxa guul-darro weyni soo gaadhay xisbiga Angela Marker ee la yidhaa Christian Democrats Union “CDU” doorashadii ka dhacday magaalo-madaxda Jarmalka ee Beerliin, waxaanay heleen codadkii la tiriyey 17.6% kaliya. Waxa sallaanka soo fantay xisbi lagu tiriyo cunsuriyaddu biyo-dhigtay oo ka soo horjeeda soo-galaytiga nooc kasta oo uu yahay oo la yidhaa Anti-immigrant party Alternative fur Deutschland (AfD). Xisbigan weligii kama uu mid noqon baarlamaanka magaalo-madaxda ayaa ku guulaystay helay 14.2%. Inta kalena waxa qaysbaday xisbiyada kale.

Ra’iisal-Wasaare Angela Marker ayaa guul-darrada ba’an ee xisbigeeda soo gaadhay qaadatay masuuliyaddeeda, waxaanay u aanaysay siyaasaddii ay ku soo dhawaysay qulqulkii qaxootiga Suuriya.

“Waxan qirayaa in aan sannadihii ugu dambeeyey khaladaad sameeyey, anigoo oggolaaday in ka badan hal milyan oo qaxooti ahi in ay soo galaan iyada oo wax u diyaar ahi aanu jirin haddii ay tahay shaqooyin, haddii ay tahay dugsiyo wax lagu barto iyo adeegyadii kaleba. Haddii maalmaha dib loo soo celin karayo go’aanaddii aan gaadhay qaarkood waan la noqon lahaa” ayay tidhi Market.

Jarmalku wuxu sannadkii 2015 si weyn u soo dhaweeyey qaxooti tiradoodu kor u dhaaftay hal milyan oo qof, taas oo ka dhigtay waddankii qaatay tiradii ugu badnaa ee qaxooti qaarradda Yurub.

Dhinaca kale, Markel waxay difaacday mabda’a ay ku qaadatay qaxootiga, waxayna tidhi:

“Anigu waxan ka qoomamaynayaa in aynaan aad u diyaar ahayn, laakiin kama qoomamaynayo in aan qaatay qaxooti Islaam ah. Waan arkay in 82% dadka Jarmalku ay diidan yihiin qaxootiga, haddii ay ku diiddan yihiin Islaamnimadooda, taasi waxay ka hor imanaysaa dastuurka Jarmalka, waxayna noqonaysaa xuquuq la duudsiyey” ayay tidhi Marke.

Il-wareed: CNN

Bandhige@gmail.com