“Dib-u-dhaca doorashada Wakiillada waxan ka arrimin doonaa marka la i hor keeno” Guddoomiyaha Guurtida

Guddoomiyaha Golaha Guuritda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in uu arrinka labada doorasho ee la kala qaado ka hadli karo oo kali ah marka ay taladaasi hortiisa timaad. Sidaa wuxu yidhi xalay mar uu u warramayey weriye ka tirsan telefishanka Star.

“Arrinkaa (labada doorasho ee la kala qaaday) waxan ka hadli karaa marka miiskayga la keenayo. Markaa aan sugno inta ay i soo gaadhayso. Imika wax hadal ah kama odhanayo. Waxba ha i qodqodin, iga heli maysid waxaad doonaysid” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Weriyuhu wuxu sidoo kale Saleebaan wax ka weydiiyey sida uu u arko war-murtiyeedkii Beesha Caalamku ka soo saartay dib-u-dhaca doorashada, wuxuuna yidhi:

“Aniga iyo beesha caalamka afka ha isku kaaya gelin. Somaliland waxay leedahay dawlad iyo goleyaal sharci ah. Iyagaa ku filan arrimahooga”

Dib-u-dhaca doorashada Golaha Wakiillada ayaa la filayaa in ay u gudbto Guurtida kadib marka ay ka soo gudubto Maxkamadda Sare.

Bandhige@gmail.com