Mudaharaad lagu diiddan yahay war-murtiyeedkii IGAD ayaa maanta Hargeysa ka dhacay

 

Mudaharaad lagu diidan yahay war-murtiyeedkii dhawaanta ay soo saareen urur-goboleedka IGAD laguna taageerayo go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku kala qaaday labada doorasho. Boqolaal dadweyne ah oo u badan dhallinyaro iyo dumar ayaa isugu soo baxay barxadda u dhaxaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Dhallinyarada ama goobtii loo yiqiin Gobolka. Waxa mudaharaadka gaar uga muuqday dugsiyada sare ee Hargeysa oo inta la soo fasaxay lagu dhiirigeliyey in ay mudaharaadka ka qayb-qaataan.

Dadka mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey “dooni mayno IGAD, dooni mayno Soomaaliya, Somaliland waa dal madax-banaan.”

Warar xan ah oo aan la xaqiijin karin ayaa tibaaxayaa in xukuumaddu ay si dadban uga dambayso isu-soo-baxa dadweynaha si ay caalamka ugu muujiso in weli dadkeedu jecelyihiin kadib markii ay dhawaanta dib u dhigtay doorashada Golaha Wakiillada.

13-kii September ayaa dawladaha ku midaysan urur-goboleedka IGAD ay muqdisho ka soo saareen war-murtiyeed qodobkiisa ugu horreeyaa uu ahaa in la qadarinayo xuduudaha dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyo midnimadeeduba.

Badhasaabka Hargeysa oo shir-saxaafadeed xafiiskiisa ku qabtay ayaa tibaaxay in muddaharaadku taageero u ahaa go’aankii uu madaxweyne Siilaanyo dib ugu dhigay doorashada Golaha Wakiillada kuna xaqiijiyey in ta madaxtooyadu wakhtigeeda ku dhacayso.

mudaharaad-hargeysa

mudaharaad-hargeysa

Bandhige@gmail.com