Marxuum Muxamad Cali oo la aasay

Ku dhowaad lix iyo toban kun oo qof oo kala diimo ah ayaa ka soo qayb galay aaska Marxuun  Muxamad Cali, ugu horey waxa lagu bilaabay in aayado Qur’aan ah oo uu akhriyey Imam Hamzah Abdul Malik.

Munaasabadda oo ka dhacayday garoon ciyaaraha lagu dheelo ee magaalada Louisville, ayaa waxaa buuxiyay dad badan oo u ducaynayey marxuuna, raadinayey taariikhda Marxuunka, sidoo kalena waxay ka marag kaceen wanaagii uu lahaa Marxuun Muxamed Cali.

Ugu horey waxa xaflada aaska ka hadlay Duqa magaalada Louisville, Dr Kevin Cosby ayaa sheegay in markii uu hanaqaadayay Muxamad Cali, ay qowmiyadda madow ee Maraykanka wajahaysay dhibaatooyin badan, balse uu Muxamad qaab aan horay loo arag ula tacaalay dhibaatooyinkaasi.

Sidoo kale dadka meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Michael Lerner, oo ka tirsan culimada Yuhuuda Maraykanka. Waxa uu dhaliil dusha uga tuuray dadka Muslimiinta ku eedeeya dhibaatooyinka caalamka maanta ka jira.

Xaaska uu ka geeriyooday marxuumka, oo lagu magacaabo Lonnie Ali, ayaa sheegtay in nolashiisa ay waxbadan ka baratay. Waxa ay ka sheekeysay wixii ku dhaliyay in uu feedhka barto, oo ahayd in baaskiilkiisa laga xaday. Lonnie Ali ayaa sheegtay in taasi ay cashar u tahay Maraykanka maanta jira.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton, ayaa ku dheeraaday furfurnaantii iyo kaftankii Muxamad Cali, isagoo sheegay in Maraykanka uu meel weyn ugaga yaallo.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ka qeybgalay janaasadii Khamiistii Muxamad Cali loo sameeyay, balse kama aanu qeyb gelin munaasabadda xalay dhacday, asaga oo dib ugu laabtay dalkiisa.

Allaha u naxariistee Muxamad Cali, ayaa waxaa iilka dhigay dad kooban oo isugu jira qoyskiisa iyo asxaabtiisa, taasoo ah sidii uu ka dardaarmay.

bandhige@gmail.com