Maxkamadda dalka Masar ayaa ku xukuntay 10 sanno oo xadhig ah iyo ganaax wasiirkii hore ee beeraha iyo ku-xigeenkiisii Salah Helal iyo Mohey al-Den sl-Saeed, labadan masuul ayaa waxa lagu eedeeyey musuqmaasuq.
Salah helal ayaa waxa lagu ganaaxay lagac dhan hal milyan oo lacagta Masar taasi oo u dhigmata boqol iyo toban kun oo doolarka Maraykanka ah, halka Mohey al-Den sl-Saeed lagu xukumay lacag u dhiganta shan boqol oo kun oo lacagta oo u dhiganta shan iyo kun oo doolar.
Wasiirka ayaa waxa la xidhay sannadkii hore bishii Sibtambar kadib markii uu Raysal-wasaare Abdel Fattah al-Sisi ka dalbaday in uu xilka iska casilay.
Waddanka Masar ayaa waxa uu kaga jiraa liiska waddamada musuqmaasuq hadheeyey sannadkii 2013-kii kaalinta 114.