Guddoomiyah xisbiga Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb galau xaflad ay ku qalin jebinayeen qallinjabinta dufcadda afraad ee Jaamacadda Gollis ee Berbera, ayaa tilmaamay waxtarka tacliintu ka gaysan karto baahiyaha bulshada Somaliland iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, isagoo ka hadlay kaalinta Berbera kaga jirto dalka iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo horumariyo.
Sidaana waxa uu ku sheegay khudbad hoggaamiyenimo uu ka jeediyey xaflad loo sameeyey qallinjabinta dufcaddii afraad ee jaamacadda Gollis ee Berbera oo lagu qabtay huteelka Maansoor Berbera maanta, iyadoo ay kala qaybgaleen wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Caddaaladda, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, xildhibaanno iyo maamulka heer degmo iyo gobol ee Saaxil.
Muuse Biixi waxa uu bogaadiyey ardayda ka qallinjabisay jaamacadda, waalidkooda iyo maamulka degmada Berbera oo si wayn loogu ammaanay suurtogalin in ardaydan dhammaystaan waxbarashadan.
Ugu horreyn, Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay sida ay horumarka iyo wax-ka-qabashada baahiyaha dadweynaha uga wax tarayso tacliinta ardaydani barteen oo kala ah; culuunta caafimaadka, dhaqaalaha iyo ganacsiga, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
โSaddexda Kulliyadood ee aad maanta halkan ku qallinbiseen ta ugu muhiimsani waa caafimaadka, waxaannan ku faraxsanahay inay ku jiraan hablo dhawr ahi, waayo habluhu way kaga wanaagsan yihiin caafimaadka dadka kale, walaalayaal maanta waxaad u qallinjabiseen ummad baahida caafimaadku aad iyo aadย ugu badan tahay, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka, intiina dhegaysatay dhawr casho ka hor idaacadda BBC-da waxa ka hadlayey dumar degan tuulo u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Laascaanood oo ka cabanayey in aanay lahayn MCH dumarku markay foolanayaan iyo ubdka geeyaan, waxay lahaayeen Ilaahay iyo duco ayuun baanu magansanaa markay gabadha foolato qabato oo in ilmuhu gudban yahay iyo inuu caadi yahay mid ma garanayno, waxaannu codsanaynaa bay yidhaahdeen dawladda Somaliland in caafimaadka wax nalaga qabto. Masuuliyaddaasi waxay saaran tahay ummadda Somaliland oo dhan, xukuumad, xisbi, siyaasi, gaar ahaan waxay saaran tahay Wasaaradda Caafimaadka iyo aqoonyahanka caafimaadka oo aad idinku kow ka tihiin maanta, maanta hankiinu ma noqonayo inaad wax u barateen degmada Berbera oo keliya ee waa inaad eegtaan oo xil idinka saaran yahay qof kasta qof kasta oo ka tabaalaysan caafimaadka Somaliland oo dhan, Geeska Afrika oo dhan, caalamka oo dhan, waa masuuliyad aad maanta qaadeen ee ogaada,โ
Isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey:
โQolada baratay Dhaqaalaha iyo Ganacsiga maata waxaad u qallinjabiseen dal baahidiisa dhaqaale 60% dhallinyarada ay bilaa camal tahay, waxaad ku soo biirteen masuuliyiinta dadkii idinka horreeyey ee xilkaasi saaran yahay inay xalliyaan oo u daโyartihiin oo u aqoon badan tihiin.โ
Sidoo kale waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay Berbera oo uu ka difaacay in ay tahay meel u baahan in la magaaleeyo, isagoo tilmaamo ka bixiyey tallaabooyinka loo baahan yahay si horumar ballaadhan ay u gaadho magaalo-xeebeedkan uu ka soo xeroodo dhaqaalaha ugu badan ee Somaliland.ย Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi:
โBerbera maaha meel dad loo soo raro, Berbera waxay leedahay nimcadda Ilaahay dadka ugu deeqay adduunka intii ugu badnayd, Berbera waxay heshay baddii, xoolihii iyo buurtii oo macdiintii ah, dekeddii, madaarkii Afrika ugu waynaa iyo dadkii ugu ilbaxsanaa Somaliland. Berbera waa in iyada loo soo guuro oo iska dhaaf Somaliland oo dhan ee in caalamku kaga soo guuro Cirka, Badda iyo berrigaba oo la soo doonto. Haddaba, maxaa innaga horjooga inay sidaas noqoto? Waa arrin dhibyar oo waa aqoon, Berbera waxay u baahan tahay in looga faaโiideeyo nimcadaa Ilaahay siiyey, maamulka maanta joogaa intooda way dadaaleen oo waddooyinkii way sameeyeen, nidaamkii way hagaajigeen, ganacsatadii iyo ciddii maalgashi samaynaysay dhul bay ugu deeqeen.โ
Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku dheeraaday horumarka Berberi u baahan tahay waxaanu hadalkiisu ku daray:
โWaxa kaloo aynu u baahannahay in laga horumariyo Berbera, kow, dadka ku dhaqan Berbera waa inay noqdaan dad cid waliba ku soo hirato oo aan lagu dhex qaloon oo dadka soo dhaweeya oo nin kastoo ganacsade ahi uu hantidiisa ku aamini karo oo uu ka yimaado Badda iyo Cirkaba oo uu soo dego, taasi waxay ku xidhan tahay garaadka dadka degan Berbera, waayo qofkii yimaadaaba wuxuu keenayaa aqoon, lacag iyo horumar. Laba, Berbera waxay u baahan tahay laydh jaban maadaama ay kululshahay, taana waa la heli karaa. Saddex, Berbera waxay u baahan tahay dadka lacagta leh ee horumarinayaa inay helaan xaaladihii ay ku degi lahaayeen, tusaale Maayarkiina wuu joogaaye magaalada Berbera dhan walba 5KM sees baa ku xidhan ilaa toban sanno qaarkood sees yihiin, waa in dadkii lahaa hudheello waawayn, warshado iyo fooqyo ka dhisaan, haddii kale cid kale oo intaas dhisaysa waa in la siiyo yaanay Berbera xannibine.โ
Ugu dambayntii, waxa uu soo jeediyey in la xoojiyo ammaanka dadka dalxiiska u tagay badda Berbera oo uu xusay in ay kor u qaadayso booqashadeeda iyo xiisaha loo qabo tagisteeda, isagoo is gaar ugu baaqay dhallinyarada Berbera inay ka hawlgaan sidii badda loo bari lahaa, loogana ilaalin lahaa dad aan aqoonta u lahayn, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:
โXil gaar ahi wuxuu saaran yahay dhallinyarada Berbera ee weliba ah wiilasha, badda Berbera, Ceerigaabo ilaa Saylac dadka dega deegaankeeda waxa looga baahan yahay dadka yimaada in dhallinyaradu marka hore inay tusaan inay yihiin dad wanaagsan oo lala dhaqmi karo, laguna soo hirto, mar labaad badda Berbera labaatan bas baa yimaada oo ka kala yimi magaalooyinka Burco, Hargeysa, Boorama, Wajaale ilaa Laascaanood haddii bas walba la sii saaro mayd cidi imanmayso ee waa laga baqan doonaa ee waa inay jiraan dhallinyaro reer Berbera ah oo heegan ah oo dadka u yimaada bara badda oo ka badbaadiya oo kadibna dadku u soo hilloobo, waayo xilkaasi ma saarna booliska oo keliya, maayarka, badhasaabka iyo hayโadaha dawladda uun,โ