Wararka soo dhacaya ayaa sheegaya in masuubo aad u darani ka taagan tahay Kaabuul, magaalo-madaxda Afgaanistaan, kadib markii nin is miidaamiyey uu is qarxiyey. Waxa isla goobtii ku naf waayey 80 qof halka ay dhaawac noqdeen in ka badan 230 qof.
Qaraxa waxa lala beegsaday mudaharaadayaal shiico ah oo gelinkii dambe ee maanta isugu soo ururaray fagaaraha loo yaqaan Deh Mazang si ay ugu mudaharaadaan dawladda Afgaanistaan oo ay cabasho ka qabeen.
Afhayeenka Daalibaan Zabiullah Mujaheed ayaa sheegay in ururkoodu aanay shaqo ku lahayn qaraxan hase ahaatee waxa markiiba sheegtay ururka ISIS oo aan lagu aqoon in ay awood u leeyihiin qaraxyo ay ka gaystaan Afgaanistaan iyo bariga Aasiya.
Weriye madax banaan oo goobta joogay ayaa BBC-da qaybteeda dunida la hadasha u sheegay in dhiigu u qulqulay sida daadka isla markaana xubnaha iyo lafaha dadku ay meel walba wadhan yihiin.
Madaxweynaha Afgaanistaan Ashraf Gaani ayaa qaraxa ku tilmaamay wax laga murugoodo cambaarayn kululna cusha ka saaray cid kasta oo ka dambaysay.
Bandhige@gmail.com