Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Somaliland Axmed Maxamed Xasan “Sawaaxili” oo goor dhawayd shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in aabo maskax ahaan xanuunsanay uu nolosha ku gubay saddex carruur ah oo uu dhalay.
Aabahaas ayaa xidhay dhammaan albaabada guriga, kadibna gurigii oo ay ku jiraan isaga ย iyo saddexdii carruur ahi uu dab qabadsiiyey taas oo ย keentay in dhammaan carruurtii ay geeriyoodaan isagiina uu haatan sakaraad yahay sida taliyuhu sheegayna aan la filayn in uu sii noolaan doonaan.
Taliyaha ciidanka dabdamiska ayaa sheegay in in ka yar shan daqiiqo ay ciidanka dab-damisku ugu gurmadeen guriga gubanayey laakiin albaabada oo xidhnaa dartii ay nolol ku gaadhi kari waayeen carruurta laakiin ay gurigii bakhtiiyeen.
Taliyuhu ma sheegin magaca aabaha iyo magacyada carruurta.
Hoos ka daawo war-saxaafadeedka oo dhammaystiran.