Waxa maanta Hargeysa ka bilaabmay Bandhiga 9aad ee caalamiga ah ee buugaagta

 

Badhigga caalamiga ah ee buugaagta ayaa saaka ka bilaabmay Hargeysa iyadoo lagu furay xaflad la isku arkay oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo marti-sharaf kale oo dunida isaga timid.

Hal-ku-dhegga sannadkan ee bandhiggu waa “Hoggaaminta iyo Hal-curinta”. Waxa isugu yimid abwaano iyo qoraayo ka kala socda daafaha dunida, waxana si gaar ah loogu soo casuumay qoraayo iyo abwaano ka socda dalka Ghana maadaama sannadkan ay Ghana marti u tahay bandhiga iyadoo sannadihii horena ay marti hayeen dalal kale.

Inta bandhiggu socdo Reer-Ghana waxay soo bandhigi doonaa dhaqankooda, suugaantooda iyo hal-abuurkooda la xidhiidha dhinaca dhaqanka.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo ah urur sannad walba soo qabanqaabiya ย bandhigga caalamiga ah ee buugaagta ayaa sheegay in ujeeddadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa akhriska iyo qoraalka isla markaana loo dhiirigelin lahaa in ay soo baxaan buugaag cusub oo umaddu ka faa’iidaysan karto.

Bandhigan maanta bilaabmay wuxu socon doonaa ilaa 28-ka July waxana is barbar socon doonaa iibka buugaagta iyo khudbadaha martida.

Halkan guji si aad u aragto faahfaahin dheeraad ah iyo jadwalka maalmaha uu bandhigu soconayo.

HIBF 2016