Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa waxa shalay muddaysay dacwad ciqaab ah oo Madaxtooyaddu dabada ka riixayso oo lagu soo oogayo Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska madaxa bannaan ee FOORE, wakhtigan oo uu Guddoomiyaha Wargeyska FOORE damaanad dibedda ku joogo kadib xadhigii dhawaan loo gaystay.
Qoraal Maanta ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamaddaasi Garyaqaan Axmed Dalmar Ismaaciil laguna socodsiiyey Taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyada (C.I,D), Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo isagu ahaa masuulka damiintay Guddoomiyaha FOORE, ayay maxkamaddu ku muddaysay maalinimada Isniinta ee bishan Juun tahay 13-ka in fadhiga koowaad ee dacwaddaasi bilaabmi doonto.
Waxa xusid mudan in Dacwaddan Wargeyska FOORE lagu soo oogayo maxkamaddu ku sheegtay in ay tahay dacwad ciqaab ah oo loo cuskanayo qodobada 328, 71, 215, 518, iyo 383 Ee Xeerka Ciqaabta Guud, kaasi oo gabi ahaanba sharci darro ah maadaama sharciga dalka u yaallaa dhigayo in dacwadaha saxaafadda ka dhanka ah loo mari doono xeerka Saxaafadda Somaliland iyo habka madaniga ah.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Sirdoonka qaranku goob huteel ah inta ay ka kaxaysteen Guddoomiyaha Wargeyska FOORE Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim uu muddo dhan 7 maalmood ku xidhnaa xarunta ciidanka Dambi baadhista Somaliland, kadib markii wargeysku wax ka qoray danaha dhaqaale ee Madaxtooyadda ugu jira heshiiska wareejinta Dekedda Berbera.
Dacwadaha iyo xadhiga saxafiyiinta ayaa si xawli leh u kordhay tan iyo mudadii ay xukuumadda xisbiga Kulmiye talada hayey lixdii sanno ee ugu dambeeyey iyada oo ay wakhtigan xayiran yihiin wargeysyo dhawr ahi.
Halkan hoose ka akhri warqada Maxkamadda Gobolku ku muddaysay dacwadda Wargeyska Foore: