Wararka na soo gaadhayaa waxay tibaaxayaan in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyannada ugu caansan Somaliland uu ugu dambayntii go’aansaday in uu ku biiro xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa saddexdiiย sanno ee uu fikirka Soomaaliweyn ka soo noqday wuxu isha ku hayey axsaabta Somaliland iyo halkii uu ka gali lahaa siyaasadda Somaliland. Wuxuna marar badan ku celceliyey in axsaabta Somaliland u ay muuqdaan qaar kuraastoodu buuxaan oo aanay lahayn meel laga fadhiisto.
laba toddobaad ka horย markii uu safarka ku yimid Hargeysa wuxu sheegay in uu siyaasadda Somaliland rasmi ahaan ugu biirayo laakiin wuu ka gaabsaday xisbiga uu ku biirayo. Dad badan ayaa filayey in Prof. Axmed ku biiri doono xisbiyada aan murashaxiintoodu caddayn weli maadaama la ogaa in uu hunguraynayey in uu noqdo murashax labada kursi ee qaranka ugu sarreeya mid ahaan.
Intii anu dalka iman waxa dhawr jeer warbaahinta soo gashay in uu wada-hadal kula jiro xisbiga Waddani iyo UCID, hase ahaatee sida muuqata wada-hadalkaasi muu guulaysan.
Waxa hadda la is weydiinayaa maadaama labada murashax ee Kulmiye la og yahay waxa uu ku qancay Axmed Ismaaciil Samatar ee uu ku doortay xisbiga Kulmiye.
Sida warar aanaan weli xaqiijin ay tibaaxayaan Salaasada ayaa Axmed Ismaaciil Samatar xaflad weyn oo soo dhawayn ah xisbiga Kulmiye ugu qabanayaa magaalada Boorama.
Axmed Ismaaciil Samatar iyo walaalkii Cabdi oo ah aqoonyanno codkar ah ayaa ka soo horjeeday Somaliland intii ay jirtay. Waxayna fagaarayaasha lagu doodo ka dhiiban jireen badheedhaha ha in aan Somaliland caalamku ictiraafin. Hase ahaatee Axmed Ismaaciil Samatar ayaa fikirkiisii Soomaaliweyn beddelay kadib markii uu ku hungoobay murashaxnimo madaxweynenimada Soomaaliya ah oo uu u doontay Muqdshio, wuxuna yimid Somaliland halkaas oo uu soo-dhawayn ballaadhan kala kulmay. Walaalkii Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa isagu weli ku adag fikraddiisii Soomaaliweyn.
Wixii faahfaahin aanu warkan ka helno waanu idiin soo gudbin doonaa.
Bandhige@gmail.com